Dib u dhac ku yimid Furitaankii Shirka Dhuusamareeb iyo wafuudii u horeysay oo maanta tagaya

0
Saturday August 15, 2020 - 08:23:51 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib u dhac ku yimid Furitaankii Shirka Dhuusamareeb iyo wafuudii u horeysay oo maanta tagaya

    Waxaa dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu waday in maanta 15 Agosto inuu furmo, taasoo loo sababeynayo in wafuudii aanay weli tagin magaalada. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in furitaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu waday in maanta 15 Agosto inuu furmo, taasoo loo sababeynayo in wafuudii aanay weli tagin magaalada. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in furitaanka shirka uu dib u dhacay, balse Madaxda ka qeyb galeysa ay imaan doonaan goor dhow. Wafuudii u horeysay maanta tagi doona Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan Dhuusamareeb, sida Afhayeenkiisa xalay saqdii dhexe uu ku sheegay bartiisa Twitterka. Shaki badan ayaa la gelinayay in Shirka Dhuusamareeb 3 uu qabsoomi waayo, marka loo eego xaalado siyaasadeed oo soo kordhay, kaddib dhuusamareeb 2, markii uu soo dhamaaday la riday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra'iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

    



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip