Dhageyso:- Cumar Filish" Waxaan ka Shaqeyneynaa in doorasho qof & Cod ah ka dhacdo Muqdisho"

0
Friday August 14, 2020 - 18:36:12 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:- Cumar Filish" Waxaan ka Shaqeyneynaa in doorasho qof & Cod ah ka dhacdo Muqdisho"

    Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka Shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah. Waxaa uu sheegay in Dowladda Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka Shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah. Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fursad siin doonto dadka ku nool Muqdisho si ay Codkooda ugu doortaan qofkii ay rabaan,isaga oo ugu baaqay inay ka faa'iidysteen.    

             Doorashada dadban ayuu sheegay ay dadka qaar ku doonayaan inay xilalka siihayaan,taasina uu sheegay inaysan u wanaagsaneyn dadka Muqdisho,waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho loogana baahan yahay inay garab istaagaan.

             Hadalkan ayaa Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) waxaa uu ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Audio Player
00:00
 
00:00


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip