Agaasimihii Madaxtooyadda Somalia oo shaqada ka tegay

0
Friday August 14, 2020 - 20:15:59 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimihii Madaxtooyadda Somalia oo shaqada ka tegay

    Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Fuursade uu isaga tagay shaqada Madaxtooyada, kaddib muddo sanad ah oo uu xilkaas hayay. Weli ma jiro Qoraal ilaa hadda uu Dr. Fuursade isku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Fuursade uu isaga tagay shaqada Madaxtooyada, kaddib muddo sanad ah oo uu xilkaas hayay. Weli ma jiro Qoraal ilaa hadda uu Dr. Fuursade isku casilay oo u diray Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee shaqo ka tegistiisa ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Mas'uulka.

                  Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxaa la shegayaa inuu ka mid ahaa ragga aadka loogu saadaalinayay in loo magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka.

            Lama oga shaqo ka tagistiisa inay la xiriirto ku hungoobida xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana wararka ay intaas kusii darayaan inuu dib ugu laabtay dalka Canada oo markii hore uu ka imaaday.

          Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) 15-ka bishii May 2019 u magacaabay xilka Agaasimaha Madaxtooyada ilaa xiligaasna hayay jagadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip