Puntland oo War kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sool

0
Friday August 14, 2020 - 12:40:32 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo War kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sool

    Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dagaal beeleed khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sool. Dagaal Beeleedka oo ay ku geeriyoodeen laba ruux t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dagaal beeleed khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sool. Dagaal Beeleedka oo ay ku geeriyoodeen laba ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa uu ka dhacay Lafweyne oo ka tirsan Degmada Xuddun ee Gobolka Sool,waxaana uu u dhaxeeyay dad Xoolo dhaqato ah.            

            Axmed Cilmi Cismaan Karaash Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug waxaa uu ugu baaqay labada maleeshiyo beeleed in si shuruud la’aan ah oo deg deg ah ay dagaalka u joojiyaan.

         Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xal laga gaaray Colaad kusoo laab laabatay degaanka Horufadhi ee Gobolka Sool, isaga oo soo dhaweyay.

       Deegaano ka tirsan gobolka Sool ayaa dhowr jeer waxaa kusoo laab laabtay Colaad Beeleedyada,waxaana qaarkood Ciidamo kala dhex-dhigay Soomaaliland halka qaarkood la xaliyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip