Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
Friday August 14, 2020 - 10:06:58 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Waxaa xalay weeraro bambaano lagu qaaday ilaa ku dhowaad 10 xarumood oo ka tirsan Xarumaha degmooyinka Maamulka gobolka Banaadir,weeraradaas oo dhaliyay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Xarumaha weerarada bambaano lagu qaaday ayaa w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay weeraro bambaano lagu qaaday ilaa ku dhowaad 10 xarumood oo ka tirsan Xarumaha degmooyinka Maamulka gobolka Banaadir,weeraradaas oo dhaliyay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Xarumaha weerarada bambaano lagu qaaday ayaa waxaa kamid ah, degmooyinka Boondheere Wadajir, Kaaraan, Waabari, Shibis, Yaaqshiid, Dharkenleey, Deeyniile iyo degaanka Garasbaaleey,waxaana la sheegay in weeraradaas ay ku dhawacmeen ilaa 7 Ruux oo Shacab ah. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in weeraradaas ay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya,waxaana uu sheegay in dadka ku waxyeeloobay weeraradaas ay isugu jiraan Shacab iyo Askar.                Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidamada Ammanaka howlgal ay sameeyeen in Waaxda Calasow Dheere ee degmada Shibis ku qabteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weeraradaas.

     Weerarada loo adeegsado bam gacmeedyada ayaa horay uga dhici jiray Magaalada Muqdisho,hayeeshee weeraradii xalay ayaa waxaa ay uga duwanayeen kuwii hore in hal mar siwadajir ah bambaanooyin loogu weraray 10 Xarumood oo kamid ah Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip