Hordhac: Chelsea v PSG – Blues Maka Aargudan Doontaa Les Parisiens Kuwaasoo Xilli CIyaareedkii Hore Ka Reebay Champions League?

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:56:48 in Sports News by
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v PSG – Blues Maka Aargudan Doontaa Les Parisiens Kuwaasoo Xilli CIyaareedkii Hore Ka Reebay Champions League?

    Kulanka: Chelsea v PSG Lugta labaad ee wareega 16ka Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga 10:45pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Chelsea v PSG Lugta labaad ee wareega 16ka Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa noqonaya kooxo si joogta ah ugu xafiiltama wareegyada kala baxa ee Champions League, iyadoo kooxda Ingariiska ay badisay 2004tii halka kooxda Paris ka dhisan ay iyadana reebtay dhigeeda 12 bilood ka hor, labadaas jeerba koox walba oo soo baxday waxa ay ku soo baxday sharciga goolasha martida.

Sannadkan tartankooda isna sidaasi ayuu isagu dhow yahay, kooxda Paris Saint-Germain ayaa soo badisay kulankii lugta hore ee ka dhacay Parc des Princes iyagoo ku soo badiyay 2-1, laakiin Chelsea ayaa fursad u heysata caawa inay ka soo kabsato guuldaradaas marka lugta labaad lagu ciyaarayo garoonkeeda Stamford Bridge.

Chelsea-VS-Paris-Saint-Germain-PSG-1

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Chelsea waxaa ka maqan daafacyada muhimka ah John Terry oo aan weli ka soo kabsanin dhaawacii muruqa iyo sidoo kale Zouma oo dhaawac halis ah la maqan, halka xiddiga dhaawacyada hareeyeen Falcao uu isna maqan yahay.

Diego Costa ayaa la filayaa inuu shaxda kooxda ku soo laabto caawa inkastoo taam ahaanshihiisa uu shaki ku jira halka Pato uu weli la dhibtoonayo dhaawac gumaarka ah.

Dhanka kooxda PSG waxaa ka maqnaanaya kulankaan Aurier oo ganaax kooxda dhexdeeda ay ku soo rogtay ku maqan ka dib markii uu si aan geed gabasho laheyn u aflagaadeeyay tababare Laurent Blanc.

Balse waxaa tababare Blanc uu ku duceysanayaa in Verratti uu taam ka soo noqday dhibaatada gumaarka ka heysata oo uu ku soo bilowdo, haddii uu taam u noqon waayo kulanka caawa waxaa booskiisa buuxin doona Rabiot, sidoo kale tababare Blanc ayaa kala dooran doona cida uu ku soo bilaabayo Cavani mise Lucas Moura.

David Luiz, Zlatan Ibrahimovic iyo Verratti haddii uu ciyaaro ayay tahay inay dishibiliin muujiyaan caawa madaama ay hal jaale u jiraan inay seegaan lugta hore ee wareega 8da haddii ay soo baxaan caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea: Courtois: Azpilicueta, Cahill, Ivanović, Baba; Matić, Mikel; Willian, Oscar, Hazard; Diego Costa.

Paris: Trapp; Marquinhos, Thiago Silva, David Luiz, Maxwell; Verratti (Rabiot), Matuidi; Thiago Motta; Cavani (Lucas), Ibrahimović, Di María.

MA OGTAHAY?
  • Kooxda Chelsea ayaan laga badinin todobo kulan oo koox Faransiis ah ay kula ciyaareen garoonkooda, iyagoo shabaqa ka ilaashaday shan ka mid ah. Labada kulan kaliya ee shabaqa laga soo taabtay waa barbarihii ay xilli ciyaareedkii hore la galeen PSG ee 2-2, waxaana ka horeysay barbaro kale oo 2-2 ah oo ay la galeen AS Monaco xilli ciyaareedkii 2003-04.
  • Waxa ay Chelsea raadineysaa inay buukimato markii afaraad ee lix ciyaareed gudaheed wareega 8da Champions League iyo markii 7aad todoban xilli ciyaareed gudaheed.
  • Kooxda Laurent Blanc ayaa rajeyneysa inay markii afaraad oo isku xigta ka soo muuqdaan wareega 8da Champions League.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip