Ka Dib Guushii Xalayto Ee Arsenal Waa Kuwee Kooxaha Isagu Soo Haray Wareega 8da FA Cup Iyo Waqtiga La Ciyaarayo.

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:54:45 in Sports News by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Dib Guushii Xalayto Ee Arsenal Waa Kuwee Kooxaha Isagu Soo Haray Wareega 8da FA Cup Iyo Waqtiga La Ciyaarayo.

    Arsenal ayaa xalayto iska xaadirisay wareega 8da ee koobka ugu faca weyn kubada cagta caalamka ka dib markii kulankii ku celiska ahaa ay 4-0 kaga badiyeen kooxda heerka labaad ee Hull City kuwaasoo ay barbaro 0-0 ah isku dhaafi waayeen kulankii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa xalayto iska xaadirisay wareega 8da ee koobka ugu faca weyn kubada cagta caalamka ka dib markii kulankii ku celiska ahaa ay 4-0 kaga badiyeen kooxda heerka labaad ee Hull City kuwaasoo ay barbaro 0-0 ah isku dhaafi waayeen kulankii hore ee Emirates Stadium.

Gunners ayaa wadada guusha ku soo laabatay ka dib shan kulan oo aysan guul dhadhaminin tartamada oo dhan, waxaana ay uga mahadcelinayaan Oliver Giroud iyo Theo Walcott oo min labo gool u saxiixay xalayto.

Hadaba waa kuwee kooxaha isagu soo haray wareega 8da iyo waqtiga la ciyaarayo?

fa Cup

Wareega 8da FA Cup waxaa la ciyaarayaa Jimcaha, sabtida iyo axada soo socota, waxaana isagu soo haray todobo kooxood oo Premier League ka ciyaaraya iyo koox heerka labaad ah Reading.

Jimcahawaxaa ciyaari doona kooxaha Reading iyo Crystal Palace iyadoo kooxda heerka labaad marti loo yahay, waxaana ay ciyaartaas oo geli doontaa 10:55 waqtiga geeska Afrika.

Kulanka ugu weyn waxaa la ciyaari doonaa maalinta sabtida marka ay Everton gurigeeda Goodison Park ay ku martigelineyso kooxda Chelsea iyadoo kulankaan la ciyaari doono 8:30pm Saacada Geeska Afrika.

Arsenal oo xalayto soo baxday ayaa iyadana Emirates Stadium ku martigelin doonta kooxda Watford, saacada geeska Afrika marka ay tahay 4:30pm.

Halka Manchester United ay 7da fiidnimo waqtiga Gesska Afrika ay ku martigelin doonto kooxda West Ham United garoonka Old Trafford.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip