AMISOM oo Agab kala duwan gaarsiisay dad Barakacayaal ah

0
Wednesday August 12, 2020 - 14:02:17 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo Agab kala duwan gaarsiisay dad Barakacayaal ah

    Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle. Deeqdaan oo ka kooban bustayaal, weelal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle. Deeqdaan oo ka kooban bustayaal, weelal,maro kaneeco iyo kuwo kale,waxaa ku deeqay Maamulka Amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan,gaar ahaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM. Qalabkaan mucaawinada ah ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu yareeyo dhibaatada soo gaartay barakacayaasha lagu khasbay inay guryahooda ugu cararaan daadadka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolkaasi. Boqolaa Qoys oo ka barakacay fataahada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa weli ku sugan degaanka Ceel-jaale, kuwaas oo dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay ku heystaan degaankaas.

         




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip