Arsene Wenger Oo Amakaak Ay Ku Noqotay In Seddex Xiddig Kale Ay Xalayto Ku Biireen Liiska Dhaawac Ee Dhererka Badan Ee Kooxda.

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:51:37 in Sports News by
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo Amakaak Ay Ku Noqotay In Seddex Xiddig Kale Ay Xalayto Ku Biireen Liiska Dhaawac Ee Dhererka Badan Ee Kooxda.

    Arsenal ayaa wajaheyso dhibaato difaac ka hor kulanka isbuuca danbe ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Barcelona. Gunners ayaa waxaa ka dhaawacmay labada daafac ee Per Mertesacker iyo Gabriel intii uu socday kulankii ku celiska ahaa ee FA Cup

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa wajaheyso dhibaato difaac ka hor kulanka isbuuca danbe ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Barcelona. Gunners ayaa waxaa ka dhaawacmay labada daafac ee Per Mertesacker iyo Gabriel intii uu socday kulankii ku celiska ahaa ee FA Cup ee Hull City ee ka dhacay KC Stadium.

Waxaa intaas u sii dheer Aaron Ramsey ayaa isna sidoo kale dhaawac ku baxay kaliya 15 daqiiqo oo uu bedel ku soo galay.

Mertesacker ayaa lagu qasbay in la bedelo ka dib markii ay madaxa isku dhufsadeen Nick Powell, waxa isna sidoo kale dhaawac muruqa ah ku baxay daafaca dhexe ee reer Brazil Gabriel.

Hull-City-v-Arsenal-FA-Cup-replay

Arsene Wenger ayaa sheegay inay amakaak ku aheyd dhaawacyada, isagoo hadalkiisa raaciyay in Gabriel uu u muuqdo mid yara fiican, Mertesacker isaga wareer ayaa soo wajahay, halka Ramsey dhaawaciisa uu yahay midka muruqa ah islamarkaana uu yahay kan ugu halista badan seddexda dhaawac ee xalayto.

Laurent Koscielny ayaa isna shaki ku jiraa kulanka isbuuca danbe ee ay wajahayaan kooxda Luis Enrique, taasoo la micno ah in Arsenal lagu qasbi karo inay Barcelona kala hortagaan afar daafac oo kala ah Hector Bellerin, Calum Chambers, Nacho Monreal iyo Kieran Gibbs.

Goolhayaha dooqa koowaad Petr Cech ayaa isna sidoo kale seegaya kulankaas Champions League madaama uu dhaawac ka qabo kubka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip