Joe Biden oo madaxweyne ku xigeen xushay

0
Wednesday August 12, 2020 - 08:58:38 in Wararka by
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joe Biden oo madaxweyne ku xigeen xushay

    Musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka Joe Biden, ayaa senator Kamala xalay u xushay xilka madaxweyne ku xigeenka haddii uu doorashada November ku guuleysto. Joe Biden bishii March ee sannadkaan ayuu u balla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka Joe Biden, ayaa senator Kamala xalay u xushay xilka madaxweyne ku xigeenka haddii uu doorashada November ku guuleysto. Joe Biden bishii March ee sannadkaan ayuu u ballan qaaday, in mid ka mid ah lix dumar ah uu middood u xulan doono madaxweye ku xigeen, laakin dad badan ma fileyn in ay noqon doonto Kamala Harris. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ayuu musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Bisha Novmeber, Joe Biden uga dhawaaqay, in senetaradda laga soo doorto gobolka California, Kamala Harris uu u xushay in ay noqoto madaxweyne ku xigeenka Mareykanka haddii uu doorashada ku guuleysto. Biden ayaa yiri. ''Sharaf weyn ayay ii tahay inaan ku dhawaaqo in aan soo xushay Kamala Harris oo ah dagaalyahanad aanan gabban, waana mid ka mid ah dadka ugu wanaagsan ee waddanka u soo shaqeeyay''. Wuxuu intaasi raaciyay ''aniga iyo adiga si wada jir ah ayaan uga badineynaa Donald Trump''. Harris ayaa iyaduna qoraal ay ku daabacday barteeda Twitter ku sheegtay in ay sharaf u tahay in Joe Biden ay kula biirto musharaxnimada xisbiga ee doorashada soo socota. Biden ayay ku tilmaantay qof mideyn karta dadka Mareykanka, maadaama bay tiri uu noloshisa oo dhan u soo huray dadka Mareykanka. Ololaha madaxweyne Donald Trump ayaa markiiba jawaab kulul ka bixiyay xulashada uu Joe Biden madaxweyne ku xigeenkiisa u soo xushay Kamala Harris. Lataliyaha sare ee dhanka doorashada ee madaxweyne Trump, Katrina Pierson ayaa qoraal ay soo saartay ku sifeeyay Harris, in ay tahay xagjir ku tarax tagtay afkaaraha bidixda fog ee xisbiga dimoqraadiga.


       



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip