Madaxweynaha Farmaajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada
"Waxaa xaqiiq ah in riyada dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay kala dhantaaleen duruufaha adag ee uu soo maray dalkeenna, gaar ahaan dhanka ka qeyb galka siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka, maadaama iyaga oo ah qeybta ugu badan bulshada haddan aysan fursad u helin in ay mustaqbalkooda go’aamiyaan.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada bahda caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladdii adkeyd ee ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in rafaadkaas laga saaro dhallinyradeenna meel kasta oo ay joogaan, iyadoo dalkooda looga hirgeliyo nolol karaamo leh, fursado shaqo iyo waxbarasho tayo leh.
Madaxweynaha Farmaajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada ayaa bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dal