Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay Doorasho ka dhacday Maraykanka

0
Wednesday August 12, 2020 - 08:14:55 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay Doorasho ka dhacday Maraykanka

    Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorasho ay xisbigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaanimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota. Tartanka doorashadan oo si weyn ula tartamay Antone Melt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorasho ay xisbigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaanimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota. Tartanka doorashadan oo si weyn ula tartamay Antone Melton-Meaux iyo musharaxiin kale ayay Ilhan ka gaartay guul weyn. Guusha kadib ayay Ilhan Cumar boggeeda Twitterka waxa ay ku sheegtay in abaabul weyn loo galay sidii kursigeeda looga guuleysan lahaa.         "Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korortay”.

           Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.

   Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Maraykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip