Jamaahiirta Arsenal Oo Soo Bandhigay Boor Ay Ku Qoran Tahay 'Arsene, Waxaa La Joogaa Waqtigii Aan Is Macsalaameyn Laheyn' Ka Dib Kulankii Ay 4-0 Kaga Badiyeen Hull City.

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:48:28 in Sports News by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Arsenal Oo Soo Bandhigay Boor Ay Ku Qoran Tahay 'Arsene, Waxaa La Joogaa Waqtigii Aan Is Macsalaameyn Laheyn' Ka Dib Kulankii Ay 4-0 Kaga Badiyeen Hull City.

    Inkastoo taageerayaasha Arsenal lagu difaaci karo dareenkooda niyajabka leh ee ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan hadana waa inay jirto meel xuduud ah oo aan la soo gudbi karin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo taageerayaasha Arsenal lagu difaaci karo dareenkooda niyajabka leh ee ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan hadana waa inay jirto meel xuduud ah oo aan la soo gudbi karin.

Waa sax kooxda Arsene Wenger waxa ay sideed dhibcood ka danbeeyaan Leicester City iyadoo sagaal kulan ay ka harsan taahy Premier League, waxaana ay u muuqataa inay mustaxiil tahay inay ku guuleystaan horyaalka. Si kastaba, waxa ay weli fursad u heystaan tartanka horyaalka iyo inay boos fiican uga jiraan FA Cup.

Iyadoo sidaasi tahay in la soo bandhigo boor ay ku qoran tahay "Arsene, waxaa la joogaa waqtigii aan is macsalaameyn laheyn” waa wax lagu degdegay ugu yaraan.

PAY-Arsenal-banner

Inkastoo ay Arsenal 4-0 kaga badisay Hull City kulankii xalayto ee FA Cup, dhamaadkii ciyaarta koox yar oo taageerayaal soo safray ah ayaa boorka soo hordhigay qabiirada isboorti ee BT Sport, taasoo ka careysiisay xiddigii hore ee Arsenal Ian Wright oo ciyaarta dhinac ka falanqeynayay.

Ka dib markii ay daawadeen iyadoo kooxdooda ay u soo baxday wareega sideeda, taageerayaashaan ayaa go’aansaday inay tahay waqti ku haboon oo ay la soo baxaan boor ay ku mudaaharadayaan Wenger.

Dhowr su’aalood ayaa la isweydiinayaan iyadoo tan ugu cad ay tahay: "Maxaad isagu mashquulinee boor carro leh ka dib guul 4-0?”

Tan hore, ayaa u maleynaya inay tani wax kala duwanaansho ah ku keeni karto mustaqbalka Wenger? Ma jirtaa cid ku fekereysaa in madaxda kooxda ay ka fiirsanayaan booskiisa madaama ay arkeen boor lagu qoray hadalo lidi ku ah Wenger? Runta waxa ay tahay maya.

Taageerayaasha boorka soo bandhigay ma waxay ku xisaabtamayeen in Arsenal la reebi doono xalayto oo waxay sii diyaarsadeen boor ay ku weeraraan Wenger mise ixtiraamdarro ayay ka aheyd?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip