SAWIRRO: Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye oo laami lagu bilaabay

1
Tuesday August 04, 2020 - 16:27:41 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye oo laami lagu bilaabay

    Waxaa maanta laami lagu bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan shaqadeeda dib loo bilaabay. Waddadaan oo muhiim u ah bulshada u kala safra Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa la bilaabay bishii Julay ee sanadkii 2019.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta laami lagu bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan shaqadeeda dib loo bilaabay. Waddadaan oo muhiim u ah bulshada u kala safra Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa la bilaabay bishii Julay ee sanadkii 2019. Haseyeeshee shaqaalahii Turkida ee dhisaayay waddadaan ayaa hakad geliyay, horaantii sanadkaan kadib markii ay bateen qaraxyada iyo weerarada ay Al-shabaab kala kulmayaan, maadaama gaari qarax lagu weeraray. Mashruuca dhismaha waddadaan oo ku kacaya $200 Million ayaa qeyb ka ah mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Caasimadda iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye oo ay bixineyso dowladda Qatar. Ammaanka wadada ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana xittaa jooga Ciidamo Turki ah oo qayb ka sugaya ammaanka si aysan u dhicin isku dayo Shabaab ku soo maleegaan amnidaro.      






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip