Odowaa "Farmaajo Jidkii Dhuusamareeb hadduu dhaafo, 7-dii daqiiqo ee Xukuumadda ku dhacday oo kale ayaa…"
Waxaa uu sheegay in shirka Dhuusamareeb markii uu Madaxweynuhu tagay uu arkay inuu dhinac walba ka hareereysan yahay, isla markaana ay u socon weyday doorashadii been abuurka aheyd ee qof iyo cod iyo muddo kororsiga, taasna ay keentay markii uu ku soo laabtay Muqdisho inuu go’aan degdeg ah qaato inuu iska bedelo Xukuumadda.
"Madaxweynuhu markuu arkay inuu dhinac walba ka hareereysan yahay doorashadii been abuurka ahaa iyo muddo kororsi midna uusan soconeyn, wuxuu dhuusamareeb kala soo laabtay go’aan degdeg ah inuu xukuumadda iska bedelo, Madaxweynaha waxa abeen abuur ugu filan Xukuumaddii uu lahaa 3 sano iyo bar ma dhaceyso ay horta todobo daqiiqo ku dhacday, been abuurka uu sameeyay Madaxweynaha 3 sano iyo bar xukuumaddiisa ayay ka muuqatay oo 7 daqiiqo ku dhacday”ayuu yiri.
Xildhibaan Odawaa ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in Dhuusamareeb ka keeno doorasho heshiis lagu yahay, balse haddii uu dhaafo jidka Dhuusamareeb ay soo wajihi doonto culeyska Xukuumadda oo kale wixii ku dhacay oo ay ku soo gabagabowday 7-da daqiiqo gudahood.
Waxaa uu sheegay in afar sano la soo doortay, isla markaana muddo xileedka Madaxweynaha ay kaga egtahay 8 Febraayo ayna doonayaan inuu doorasho aado oo ah mid Farsamadeeda iyo diyaar garowgeeda ay heshiis ku tahay Soomaali oo aan qolo gaar ah laga yeeleyn.
Odowaa "Farmaajo Jidkii Dhuusamareeb hadduu dhaafo, 7-dii daqiiqo ee Xukuumadda ku dhacday oo kale ayaa…"
Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ahna Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay jeclaan lahaayene in la qabto doorasho qof iyo cod ah, balse aan haatan loo diyaar garoobin. C/raxmaan O