400 oo arday oo u fariistay imtixaanka deeqda waxbarasho ee Hormuud

3
Tuesday August 04, 2020 - 15:46:27 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    400 oo arday oo u fariistay imtixaanka deeqda waxbarasho ee Hormuud

    400 oo arday ah ayaa maanta u fariisatay imtixaanka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, ka dib markii ay isa soo diiwaangeliyeen 25-kii bishii Luulyo, oo ah maalinta loo asteeyay inay ardayda isa soo diiwaangeliyaan. Imtixaanka oo socon doono mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

400 oo arday ah ayaa maanta u fariisatay imtixaanka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, ka dib markii ay isa soo diiwaangeliyeen 25-kii bishii Luulyo, oo ah maalinta loo asteeyay inay ardayda isa soo diiwaangeliyaan. Imtixaanka oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa loogu talagalay in laga xusho soddonka arday ee ugu dhibcaha ah, waana deeqda waxbarasho ee sanadlaha ah, ee ay bixiso Hormuud Telecom. Ardayda oo diyaargarow badan laga dheehan yahay ayaa qaybtoodii koowaad, ay maanta imtixaanka ugu fariisteen Magaalada Muqdisho, iyadoo qaybta labaadna ay imtixaanka geli doonto Arbacada berrito ah. Ardaydan oo loo qaadan doono heerka 1aad ee jaamacadda ayaa qarashka iyo tasiilaadka ay u baahan yihiinba waxaa bixineysa Hormuud Telecom, mudada afarta sano ahi, ee ay barashada jaamacadeed ku guda jiraan. Ardayda ayaa waxaa sidoo kale la siin doonnaa dhammaanba agabka waxbarasho ee ay u baahan yihiin, oo ay ku jiraan Laptop-yo. Sidoo kale waxaa la siin doonnaa Courses iyo tababaro ku saabsan kulliyadaha ay baranayaan.                 Ardayda ku guuleysata imtixaanka tijaabada ee Hormuud Telecom, ee ay sanadkii 2aad bixineyso shirkadda isgaarsiineed ee dalkeena ugu weyn ayaa waxay xulan doonaan kulliyadaha ay daneynayaan. Ka hor inta aysan jaamacadaha ku biirin waxaa la siin doono tababaro ku aadan kalliyadaha ay jecel yihiin inay ka qalin jebiyaan, taasoo ardayga ka caawineysa inuu faham badan ka haysto waxa uu baranaayo.

           Hormuud Telecom Scholarship waa deeq waxbarasho oo sanadle ah, oo shirkaddu bilowday April 2019, iyadoo ujeedka loo aas-aasay barnaamijkan yahay in la daboolo baahida waxbarasho ee dalka.

          Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliya oo ku sugnaa goobtii imtixaanka lagu qaadaayay ayaa Hormuud Telecom ku ammaanay, sida hagar la’aaneed ee ay u garab taagan tahay bulshafa Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha oo mar kormeeraayay ardayda oo imtixaanka ku guda jirta ayaa ku booriyay in waqtiga ay heystaan uga faa’iideystaan imtixaanka horyaala, si mustaqbalka guul uga gaaraan.

          udomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation., Cabdiraxman Ibraahim Cilmi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay tani tahay fursad ay bahda waxbarashada uga faa’iideysan karaan horumarinta hamigooda waxbarasho. Waxa uu intaa ku daray inay tani ka faa’iideysan doonaan dadka aan awoodin bixinta qarashaadka waxbarashada jaamacadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip