Shirka Beesha Mudullood oo maalintii labaad galay iyo Arrinta Maamul goboleedka Gobolka Banaadir…

1
Tuesday August 04, 2020 - 15:32:35 in Wararka by
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Beesha Mudullood oo maalintii labaad galay iyo Arrinta Maamul goboleedka Gobolka Banaadir…

    Shirweynaha Beesha Mudullood ayaa maalintii labaad galay, iyadoo weli ay socdaan khudbadaha ay jeedinayaan waxgaradka, duubabka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta Beesha ugu jira labada gole ee dowladda. Khudbado kala d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha Beesha Mudullood ayaa maalintii labaad galay, iyadoo weli ay socdaan khudbadaha ay jeedinayaan waxgaradka, duubabka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta Beesha ugu jira labada gole ee dowladda. Khudbado kala duwan oo dhiira gelin, boggaadin iyo talooyin ayaa shirka laga jeediyay, waxaana aad lagu celcelinayay ahmiyada uu leeyahay midnimada Beesha iyo sidii ay isku duubnaan laheyd. Nabadoon C/llaahi Geeddi Shador oo shirka ka hadlayay ayaa ku baaqay in la isku duubnaano oo dhaqanka, dhaqaalaha iyo awoodda laga midoobo "Mudulloodow si aan isugu duubnaano, waxaan u baahanahay inaan ku midowno dhaqanka, dhaqaalaha awoodda, intaan haddaan ku darno iskaashiga walaalnimo inaan talada guud ka midowno Soomaali hormuud ayaa u noqon doonaa mar kale isu keenisteeda"ayuu yiri Nabadoon C/llaahi Geeddi Shador.

                       Guddoomiyihii hore degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa sheegay in deegaanada ay degto beesha uu yahay kan ugu dambeeya deegaanada kale, waxaana uu xusay in aanay ka jirin waxbarasho, caafimaad tayo ah, isla markaana uu Cadaw heysto, kuna ilmo dhaleen.

             "War annaga xoolaheena iyo xoogeena in aan aragno alle hana tuso, deegaanadeena iyo dadkeena dadka waa ugu dambeeyaan, cadow ayaa heysta, wey ku ilmo dhaleen, wey ku qaan gaari rabaan, shacabkeena miyiga degan goobo waxbarasho malahan, caafimaad tayo fiican malahan, dhibkaas jirta inaan hiigsi ka yeelano ayaa rabnaa”ayuu yiri Axmed Daaci.

              Dr Caa’isha Cumar Kablow oo ka hadleysay maqaamka Muqdisho ayaa sheegtay in maqaamka Muqdisho aanu meer meeris gelin, isla markaana mar walba muran loo gelinayaa caasimadda.

              "Maqaamka Muqdisho meer meeris ma galo, Magaaloyinka Rome iyo NEW York dad ayaa leh, mana lala sheegto, maxaa annaga Caasimadda muran joogta ah loo geliyaa? Muqdisho muran lama gelin karo, waana in deg-deg maqaamkeeda loo helaa”ayay tiri.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa lagu falanqeyn doonaa qodob ka mid ah ajandaha shirka oo ah in Gobolka Banaadir uu yeesho Maamul Goboleed.

             Mid ka mid ah Guddiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in Beeshu ka doodeyso sidii Maamul Goboleed u yeelan lahaa Gobolka Banaadir, iyadoo lala tashan doono beelaha kale ee dega Gobolka Banaadir.

             Shirka ayaa la filayaa in maalinta berri la soo gabagabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo midnimada Beesha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip