Madaxweyne Deni: Wasaaraddaha Amniga ee Punland iyo Galmudug waa inay ka shaqeeyaan Amniga Galkacyo.

1
Tuesday August 04, 2020 - 15:18:56 in Wararka by
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni: Wasaaraddaha Amniga ee Punland iyo Galmudug waa inay ka shaqeeyaan Amniga Galkacyo.

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay wasaaraddaha amniga iyo arrimaha gudaha ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Punland iyo Galmudug ay iska kaashanayaan sugida amaanka Galkacyo si bulshada ku dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay wasaaraddaha amniga iyo arrimaha gudaha ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Punland iyo Galmudug ay iska kaashanayaan sugida amaanka Galkacyo si bulshada ku dhaqan ay kuwada noolaadaan xasinooli, walaalnimo iyo in laga wadasheeyo isdhaxgalka bulshada

           Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in hishiiskii isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu ka mid ahaa iskaashiga wasaaraddaha amniga ee labada maamul gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay labaduba ka arrimiyaan.

              "Sugida amaanka Galkacyo iyo in labada wasaaraddooda waa amniga iyo arrimaha gudaha ay kawada shaqeeyaan waxaan ku hishiinay madaxweynaha Qoor Qoor waxaana dhammaan hay’addaasi fareynaa inay sidii loogu talagalay ay u shaqeeyaan amniga magaalada uu u noqdo mid si buuxda layskugu haleyn karo ayuu yiri madaxweyne Deni.

               Madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale bulshada labada dhinac ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka oo muhiim u ah hormarka ka socdo hada magaalada Galkacyo.

        Ugu dambeyntii Madaxweynaha Punlad Saciid Cabdullaahin Deni ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu xariga ka jarayay mashruuc dhismaha wadooyin ka ka socda magaalada galkacyo ee uu daah-furay wajigii labaad ee wado laga dhisayo magaalada ay iska kaashanayaan labada maamul.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip