Wasiir Khadiijo oo eedeyn u jeedisay Wasaaradda Maaliyadda

1
Tuesday August 04, 2020 - 15:08:29 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Khadiijo oo eedeyn u jeedisay Wasaaradda Maaliyadda

    Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Wasiir Beyle in uu ku fashilmay bixinta lacagta gargaarka degmada Afgooye, islamarkaana dadka degaanka xilligii ay u baahanyeen aan la gaarsiin. Waxa ay sheegt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Wasiir Beyle in uu ku fashilmay bixinta lacagta gargaarka degmada Afgooye, islamarkaana dadka degaanka xilligii ay u baahanyeen aan la gaarsiin. Waxa ay sheegtay in Shacabka degmada Afgooye ay guryahoodii ka barakaceen ,islamarkaana ay tahay wax laga xumaado in Wasiirka uu shuruud ku xiro lacag gargaar ah. Waxa ay sidoo kale sheegtay in nasiib daro ay tahay in dowladda dhexe wali aysan fulin ballanqaadkii Shacabka degmada Afgooye. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacagtii loogu tala galay Shacabka ku dhibaateysan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Lacagtaan oo dhan Nus Milyan ayaa waxaa uu sheegay Wasiir Beyle in aysan bixin doonin haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaasi la musuq maasuqo. Lacagtaan oo dhan nus Milyan ayaa 20 berri ka hor waxaa ballanqaaday Ra'iisul Wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre.


       


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip