HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 2-AUG-2020

1
Sunday August 02, 2020 - 10:13:46 in Wararka by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 2-AUG-2020

    Villa Somaliya oo markii ugu horeysay shaacisay in 'muddo kordhin' ay dhici karto Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay sheegtay inay dalka ka dhici karto muddo kordhin ay si adag uga digeen saamil eyda siyaasadu, taasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Villa Somaliya oo markii ugu horeysay shaacisay in 'muddo kordhin' ay dhici karto Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay sheegtay inay dalka ka dhici karto muddo kordhin ay si adag uga digeen saamil eyda siyaasadu, taasi oo horseedi karta qalaal ase siyaasadeed oo hor leh. Agaasimaha warfaafinta ma daxtooyada Soomaaliya, Cabdi nuur Maxamed Axmed oo ka qeyb galay dood ay qabatay id aacada BBC-da laanteeda Af ka Soomaaliga, ayaa sheegay in muddo kordh in dhowr bilood oo farsamo ah ay dhici karto. Cabdinuur ayaa ka dhawaajiyey in muddo kordhintaasi ku iman karto wax uu ku sheegay 'cilado farsamo oo dhanka qabashada doora shada ah', xili la filayo in DFS iyo maamul gob oleedyadu ay ka arrinsadaan nooc doorasho oo ka dhacda dalka, taasi oo looga baaqsana yo muddo kororsiga ay ku howlan tahay Villa Somalia. Agaasimaha ayaa xusay in muddo kordhinta asi ay noqon karto labo ama saddex bilood, iya da oo la rumeysan yahay in Farmaajo uu rabo muddo intaasi ka badan, wallow aan la ogeyn sida uu qorshaha Villa Somalia u hirgeli doono, iyada oo si weyn uga soo horjeedan saamiley da siyaasadu. Sidoo kale waxa uu carabaabey in muddo kororsigaasi uu sheegay uusan aheyn wax cus ub, balse uu hore u dhici jiray xukuumadihii ka horeeyay Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu. "Muddo xileedka madaxweynuhu waa 4 sano, doorashaduna waa inay dhacdo afar sa no oo kasta. Way dhici kartaa in cillado ay sab abaan dib u dhigis labo ama 3 bilood ah, hor ayna taasi way usoo dhici jirtay" ayuu yiri Agaa sime Cabdinuur. Hadalka Agaasimaha ayaa imanaya xili si weyn looga digay muddo kororsi, kaasi oo la ru meysan yahay inay wado Villa Somalia oo uu hormuud u yahay Farmaajo, isla markaana ga laafatay ra'iisal wasaarihii dalka, Xasan Cali Kheyre, oo dhawaan xilkaasi uu ka tuuray Baarlamaanku Xigasho:-Caasimadda.Net

Madasha oo Xalay digniin culus u dirtay Farmaajo kadib go’aanadii soo baxay

    War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa digniin loogu diray mad axweyne Farmaajo ka dib go’aanadii ay golaha wasiirrada Soomaaliya ku ansixiyeen dhism aha hey’adda Batroolka iyo xubno cusub oo lagu biiriyey golaha adeega garsoorka.

      Qoraalka ka soo ba xay Madasha oo ka koo ban 7qodob ayaa lagu yiri, "Madashu waxey aad uga walaacsan tah ay tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay Xuk uumadda Xil-Gaarsiintu ku dhaqaaqdey shirke edii Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 30/07/ 2020 oo ay ku magacaabeen hay’ado Dastuuri ah sida Hay’adda Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.”

     Qoraalka ayaa intaas ku daray "Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka DFS iyo Golaha Xuumadda Xil-Gaarsiinta inay dhowra an, ilaaliyaanna shuruucda Dalka u yaal, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee uu Dalku mar ayo, taasoo haddaan la garowsan keeni karta khilaaf dastuuri ah iyo khalkhal siyaasadeed.”

      "Madashu markay aragtay go’aammadii ka soo baxay golaha xukuumadda xil-gaarsiinta fa dhigoodii 30-kii July 2020, markay akhriday war-saxaafadeedkii ka soo baxay Ururka Qar eennada Soomaaliy eed, marNkay dhagey satay baaqii ka soo baxay Ururrada Bulshada Rayid ka ah ee Soomaaliyeed iyo Xisbiyada Siyaasa deed ayna ogaatay walaaca bulshada Soomaa liyeed ee ku aaddan go’aannada sharciga ka weecsan ee ay ku tillaabsatay xukuu madda xil-gaarsiintu, waxay soo saartay qodobbadan hoos ku qoran.”

    1=Madashu waxay garowsan tahay baahida loo qabo dhisidda Guddiyada Adeegga Garso orka iyo Hay’adda Batroolka, kuwaaasoo la dhowrayay muddo ka badan 3 sano iyo bar, ayna ahayd inay dhisto Xukuumaddii haysatay kalsoonidii BJFS ama ay tahay in lala sugo in ta lagasoo dhisayo xukuumad cusub oo hesha kalsoonida Baarlamaanka.

    2=Xukuumadda hadda jirtaa waa Xukuumad Xil-Gaarsiineed (Caretaker Government) mana laha awood sharciye ed ay ku qaadan karto go ’aanno masiiri ah ama ay ku meel marin karto guddi Dastu uri ah oo horey magacaabistiisii looga gaabiyay.

    3=Madashu waxey aad uga walaacsan tah ay tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay Xuk uumadda Xil-Gaarsiintu ku dhaqaaqdey shirke edii Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 30/07/ 2020 oo ay ku magacaabeen hay’ado Dastuuri ah sida Hay’adda Adeegga Garsoorka iyo Hay ’ad da Batroolka Soomaaliyeed.

    4=Madashu waxay caddeynaysaa hab-raa ca loo maray magacaabista 5ta xubnood ee ka tirsan Golaha adeegga Garsoorka inay baal marsantahay Dastuurka KMG  ah ee JFS.

    4=Waxaan uga digaynaa Madaxweyn aha JFS in uusan ku soo saarin wareegto xubnah aas 5ta ah ee ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka inta la waafajinayo Dastuurka JFS.

    5=In Shaqada Xukuumadda Xil-Gaarsiintu ay ku ekaato kaliya socodsiinta hawlaha caa diga ah ee xukuumadda inta reysul wasaare haysta kalsoonida Golaha Shacabka laga soo magacaabayo sida ku xusan Dastuurka Dalka qodobkiisa 103-aad.

    6=In BFS si dhow ula socdaan tallaabo kas ta oo ay qaadayso Xukuumadda Xil-Gaarsiintu isla markaana ay kula xisaabtamaan si joogto ah hawlaha ay qabanayaan inta reysal wasa are laga soo magacaabay.

Md.Mahdi Guuleed oo xilka qaadis ku same yay Mas’uul uu maalmo kahor Magacaabay

       Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soom aaliya ahna R/Wasaare ku-xigeenkii dalka Ma hdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Magaca abay Xoghayaha Joogta da ee Xafiiska R/ Wasaa raha Soomaali ya.

Mahadi Guuleed ayaa Cabdiraxmaan Mucaaw iye Sheekh Ibraahim si KMG ah ugu Magacaa bay xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/Wasaaraha Dalka, kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mahdi.

     Xoghaye Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aa dan oo xilkaas haayay muddo 8-maalmood ah, isagoona horey xilkaas ugala wareegay Ax med Nuur.  Weli lama oga sababta keentay in xilka qaadis Deg deg ah lagu sameeyo Xoghaye Cabdirisaaq Xuseen Aadan,waxaa na Magacaabista uu sameeyay Siihayaha xil ka R/Wasaaraha Soomaaliya Ma hdi Guuleed ay noqoneysaa midii 2aad tan iyo markii xilk aas loo idmaday.

Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho oo si weyn looga ciiday

     Kumanaan ka mida shacabka ku dhaqan M/Muqdisho ayaa ku ciiday xaafadda Daarusal aam, oo ka mida xaafadaha ugu bilicda wanaa gsan ee Caasimadda Muqdisho.

     Dadweyne fara-badan ayaa Salaadda Cii dda ku oogay Masaajidka weyn ee deegaanka Daarusalaam, ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka G/ Banaadir.

    Dadweynaha reer Muqdisho oo markii da mbe isugu tagay Beerta Daarusalaam ayaa is ugu hambalyeynayay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, oo Shalay si isu mida looga wada ciidaayo geyiga Soomaalida.

     Maamulka xaafadda Daarusalaam ayaa dhawaan qalab cusub ku soo kordhiyay goobta ay carruurta ku cayaaraan, sidoo kalana wax aa la keenay  ugaar kala duwan, oo loogu tala galay inay dadka u soo daawasho taggaan.

    Shalay oo kale waa lidiinta ku dhaqan M/ Muqdisho ayaa ubadk ooda u damaashaad ge eya xaafadda Daarusal aam, si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

       Ciidda Carafo ayaa ah Ciidda 2aad ee Islaamka uu leeyahay, marka laga soo tago Cii dul Fitriga, waxayna umadda Soomaaliyeed isu rajeeyeen in sanadkan midka xigga uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, nabad iyo caa no. Deegaanka Daarusaam waxaa maalgal iyay Salaam Somali Bank, isla-markaana wax aa dhisay Shirkadda Dhismaha Buruuj.

     Ciidaan Carafo ayaa ka duwan Ciidul Fitrigii hore, marka aad eegto inaanay ciidaan wax sa amayn ahi ku yeelan awaamiirtii horaan lagu xakameynayay COVID-19.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo fariin u diray shacabka

     Guddoomiyaha G/Wakiillada D/G/Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyo ku-aadan Aas’aaskii Puntland 1 Agoosto 1998 u diray Shacbka Puntland. "Waxaan Halkaan U ga hambalyeeynayaa Dhammaan shacabka Puntland meelkasta oo ay Joogaan Xuska ku aadan 22-Sanno guurada asaaskii Dawlad da Puntland August 1, 1998. "Aas’ aaskii Puntland wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo ay qayb ka ahaayeen Bulshada oo ay hormuud u yihiin Haweenka, Siyaasiinta iyo Madaxda Dha qanka oo ah kuwa leh mu dnaata iyo Ammaan ta 1-aad ee mirro dhal ka Dawladnimada Hanaqaaday ee Puntland Shalay  ka jirta.

     Sidoo kale, Guddoomiye Cabdirashiid ayaa xusay hiigsiga 22 sano kadib ay Puntland rajay nayso in ay gaarto oo ah Doorasho 1 iyo cod ah. Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha ayaa sha cab ka kula dar-daarmay in ay Ilaashaadan Amnig ooda, Horumarkooda iyo Dawladnim ad ooda ay caanka ku yihiin iyaga oo la shaqay naya Dawl addooda.

XOG: Xasan Cali Kheyre oo iskaashi buuxa la sameysanaya Xasan Sheikh & Shariif

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa bur burkii dalka ka dib 25-kii bishii July ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonida kala noqdeen ayaa hadda bilaabay qorshe ka dhan ah Villa Soomaaliya oo uu ka wado magaalada Muqdisho.

Xubno ka dhow Xasan Cali Kheyre ayaa inoo sheegay inuu damacsan yahay inuu xiriir iskaashi la sameysto kooxaha mucaaradka ee Dowladda ka horjeeda gaar ahaan Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulan qarsoodi ah oo Muqdisho ku dhexmaray Xasan Cali Khey re iyo Hoggaanka Madasha sida Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif ayay isku afgarteen iney wa da shaqeyn buuxda yeeshaan oo ay isla baadi goobaan sidii doorasho nooc kasta oo ay ahaataba waqtigeeda ku qabsoonto.

     Xasan Cali Kheyre, Ra’iisal wasaarihii Xuk uum adda kalsoonida lagala noqday ayaa loo ceyriyay sababo la xiriira inuu ku fashilmay inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah oo balantu ay ahayd.

     Hoggaanka Madasha ayaa dadaal ku bixine ysa sidii ay kaga hortagi lahayd mudo kororsi loo sameeyo Farmaajo,waxaana socda wada hadal u socda Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah.

      Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxam ed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa hoggaanka Madasha kala hadlay arrimaha doorashooyin ka iyo sidii loo taageeri lahaa Dowladda Farma ajo iyo qorshaheeda doorasho ee 2020/21. Xigasho:shaaciye.com

Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle

     Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran Sh.Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sh.Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee dalka Ca li Mahdi Maxamed ayaa Shalayta kulan Muhiim ah la qaatay Madaxweynaha D/G/Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

      Kulankaan ayaa ka qabsoomay guriga  Md.Cali Mahdi Maxamed Madax weyn ihii hore ee dalka waxaana uu ahaa kala war qaadasho guud oo mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo hogaanka Madasha ah.   Arrimaha la iska waraystay wa xaa ugu muhiimsanaa sidii looga shaqeyn lah aa midnimada dadka Soomaaliyeed gaar aha an bulshada reer banaadir, Madaxweyne Wa are ayaana lagu bogaadiyey dowrkiisii shirarkii dhawaan ka qabsoomay M/Dhuusamareeb.

     Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare wa xaa dhankiisa kulankan ku Wehliyey wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee dow lad goboleedka Hirshabelle, waxaan ugu dam beyn lagu ballamay in la joogteeyo kulamada nuucaan ah.

Maxaa keenay xil ka qaadista degdega ah ee C/risaaq Caato

    Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in sababaha xil ka qa adista Xoghayihii KMG ahaa ee Xafiiska R/Wasaaraha C/risaaq Caato ay la xiriirto xadg udub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ahaa ragga aadka ugu dhowaa R/Wasaari hii hore Xasan Cali Kheyre oo Shalay la isku dayay in gaari uu watay in lagala wareego.

     Yaxye Cali Hareeri oo gaariga aan xabada ha karin la socday oo ku tagay hoyga R/wasaarihii hore, wax aana markii uu ka degay, gudah ana u galay hoyga R/Wasaarihii hore, ayaa waxaa markiiba gaar igiisa hareereeyeen Ciidamo uu soo diray C/risaaq Caato, kuwaasoo darawal ka waday gaariga ku amray inuu ka dego, dab adeedna la wareegay.

     Arrintan oo ay ka caroodeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa u tagay Madaxw eynaha, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaad an doonin hab dhaqanka qalafsan ee lagula kacayo raggii ku dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore, isla markaana C/risaaq Caato uu maalm ahan beegsi iyo xadgudub ku hayay raggii la soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

      Intaas ka dib Madaxweyne Farmaajo ayaa degdeg u amray in xilka laga qaado C/risaaq Caato, waxaana uu la xiriiray Sii Hayaha R/ Wasaaraha Mahdi Guuleed oo durba xil ka qa adis la socotay iyo Magacaabis soo saaray, wa xaana xilka si KMG ah loogu magacaabay C/raxmaan Mucaawiye oo horay u ahaa Kuxi geenka Xoghayaha Joogtada Xafiiska R/Wasaaraha XIGASHO:JOWHAR.COM

Ururka Qareennada Soomaaliyeed oo Shar ci daro ku tilmaamay magacaa bista Golaha Adeegga Garsoorka

     Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa ka horyimid magacaabistii guddiga golaha adeeg ga garsoorka Soomaaliya ee khamiistii ay Mag acaabeen G/Wasiirada Dowladda dhexe ee So omaaliya ee horay kalsoonida lagala laabtay.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Qar eennada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in qaabka loo dhisay Golaha adeegga garsoorka ay baalmarsan tahay Sharciga, islamarkaana labo xubnood oo laga rabay in ay soo Magaca abaan Ururka Qareennada Soomaaliyeed ays an ku jirin xubnaha lagu dhawaaqay.

WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN HABR AACA MAGACAABIDDA XUBNAHA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA

   Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu udub-dhaxaad iyo bud-dhig u yahay hay’adda Gar soor J/F/Soomaaliya. Wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay madaxbannaanida, tayada, hufna anta iyo xaqsoorka Garsoorka Dalka.

     Shirkii Golaha Wasiirrada ee XFS Xil-gaar siinta ee ku taariikhaysnaa 30-kii Bisha Luuliyo 2020 ayaa lagu ansixiya Shan xubnood oo la sheegay in ay ka mid noqonayaan xubnaha ku imaanaya magacaabidda ee Golaha Adeegga Garsoorka.

      Sida uu dhigayo Qod.109A, Faqraddiisa 2a ad, Xarafka "D” ee Dastuurka KMG: Labo Xub nood oo ka mid ah Shanta xubnood ee ku ima anaya magacaabista waxaa soo magacaabaya Ururka Qareennada Soomaaliyeed, waxayna xilka haynayaan muddo Afar Sano ah.

    Sidoo kale Xarafka "E”, Faqradda laad, Qod.6aad ee Sharci L.28 soona baxay 8-dii Luuliyo 2014 (Sharciga dhisidda Galaha Adeegga Garsoorka) waxay jideynaysaa in Ururka Qareennada Soomaaliyeed soo magic aabayo Labo Qareen sare oo ka tirsan Ururka oo xilka haynaya muddo Afar Sano ah.

      Haddaba, Ururka Qareennada Soomaaliye ed wuxuu caddeynayaa in shanta xubnood ee ay magacaabeen G/W/ Xukuumadda xil-gaarsiinta aysan ka tirsanayn Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo Ururrada Qareennada Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, sidoo kale aysan ka mid ahayn qareenn ada ku qoran diiwaanka Qareennada ee (AL BO),sidaasi darteedna habraaca magacaabid doodu uu noqonayo mid baal-marsan Dastuur ka iyo Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

    Ururka Qareennada Soomaaliyeed isagoo la tashanaya Ururrada Qareennada Dowladaha Xubinta ka ah DFS wuxuu u gudbin doonaa Guddoonka 2da Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Mas’uul Cusub

Madaxweynaha DGK/Galbeed Soomaaliya Ca bdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Sama falka Gobolka Baay.

     Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwe yne Lafta-gareen ayaa wa xaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Samafalka ee G/ Baay loogu magacaabay inuu noqdo Aadan Xasan Maxamed.

     Magacaabis Guddoomiye Aadan Xasan ay aa yimid, kadib marii uu talo soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha K/Gal beed Maxamed Abuukar Cabdi, sidaasina lagu magacaabay.

     Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in baahi loo qabo in la helo xilka Gu ddoomiye ku-xigeenka Samafalka ee G/ Baay.

Hoos ka Akhriso Waregtada Magacabis  ah

Caynte oo shaaciyey hal arrin oo horse ed u ah xiisadaha siyaasadeed ee Somaliya

    Waxa sanadihii u dambeeyay si weyn usoo noq-noqonayey xiisadaha siyaasadeed ee dal ka, taasi oo maalmihii u dambeeyayna mara yey meel xasaasi ah, kadib markii si lama fila an ah daaqada looga saaray R/w/rihii dalka.

     Xiisada siyaasadeed ee dalka ayaa xiligan mareysa meeshii u sareysay kadib markii Mad axweyne Farmaajo iyo R/wa saarihiisi Kheyre ay isku mari waayeen arrimaha doorasha da, taasi oo keentay in mada xweynuhu uu gebi ahaanba ka takhaluso Kheyre.

       Kheyre ayaa ka hor-yimid qorshaha Villa Somalia ee muddo kororsiga, oo la rumeysan yahay inuu dalka u horseedi karo qalaalase siy aasadeed iyo xaalad amni darro oo kasoo kab  asho laheyn.

     Haddaba, Maxaa horseed u ah xiisadaha siyaasadeed ee dalka?

      Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasiga ah iyo xiisadaha ka dhashaba ay soo jiitamayeen 8-sanno ka hor.

      Cabdiraxmaan Caynte ayaa xiisadaha siy aasadeed ee ka dhex abuurma DFS ku tilmaa may mid uu horseed u yahay dastuurka qabyo qoraalka ah oo la ansixiyey Shalay oo kale 8-sanno ka hor (01-08-2012).

      Dastuurka qabyo qoraalka dalka ayaa xil igan si rasmi ah loo dhameystirin kadib side ed sanno, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay, maadama aan si dhab ah looga howl-galin dha meystirka dastuurkaasi oo kaalin mug leh ka qaadan lahaa deminta xiisadaha siyaasaded.

     "Shalay oo kale 8 sano kahor (01 August 2012) waxaa M/Muqdisho lagu ansixiyey qab yo qoraalka dastuurka KMG ee Soomaaliya. Yoolku wuxuu ahaa in muddo kooban gudahe ed lagu qabyo-tiro dastuurka dalka, ka dibna afti loo qaado. Nasiib darro, 8 sano ka dib, das tuurkii wali qabyo” ayuu Caynte ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

      Wuxuuna intaas sii raaciyey "Inta uu qabyo yahay dastuurka dalkeenna waxaa maqan he shiis bulsho oo dhab ah, waxaana dhantaalan mid kamid ah tiirarka ugu waaweyn dowladni madeenna. Xiisadaha siyaasadeed ee aan dha mmaadka laheyn waxaa saldhig u ah maqna anshaha heshiis bulsho iyo mugdiga iyo mal dahnaanta dastuurka qabyada ah”.

      "Hoggaanka Soomaaliya (mid hore iyo mid joogaba) wuu ku fashilmay inuu xalliyo arrintan masiiriga ah. Sidaas darteed, dowladnimadeen na waa ‘faanoole fari kama qodna

 Xigasho:Shaaciye.com

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Hargeysa

     Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Som aliland ayaa Shalay oo sabti ah waxaa gaaray Safiirka dowladda Shii na ha u qaabilsan Arrima ha Somaliya ee Mr.Qin Jian & wafdi uu hoggaaminayay.

Ilo diblomaasiyaddeed oo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiy ay in Danjire Qin lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysan, isla markaana loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda.

     Sidoo kale Safiirka ayaa inta uu ku sugan halkaas waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ma daxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo la xusay inuu kala hadli doono Arrimo kala duwan oo dhinaca diblomaasiyadd ah.

      Socdaalka safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu ku tegay M/Hargeysa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo dhawaan ay xiriir cu sub wada bilaabeen Somaliland iyo Dalka Taiwan ee ku yaalla Waqooyiga qaaradda Aas iya.

D/Shiinaha ayaa siweyn uga soo horjeeda xiri irka ay horey uga wada saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan, isla markaana heshiis uu yahay mid ku saleeysan dhinacyo kala duwan, iya goona shaaciyay in xiriirka la adkeyn doono.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqay 10 urur Siyaasadeed

  Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wux uu Shalay soo gebogabeeyay hannaankii diiwa ngelinta Ururada Siyaasadda Puntland ee soo bilaamatay 15kii December 2019.

     Waxaa buuxiyay shuruudihii laga rabay Uru rada 10 Urur Siyaasadeed .

    Waxaa ka mid ah Urur Siyaasadeed ay ho ggaamin doonaan Madaxda tallada heysa ee Puntland. Guddigu wuxuu u hambalyaynayaa Ururada Siyaasadda buuxiyay shuruudihii urur nimo, dhowaan ayaana la guddoonsiindoonaa shahaadadii rasmiga ahayd ee ururnimo.

Warbixinta oo dhamaystiran kaga bogo War saxaafdeedka hoose.

Donald Trump oo dalkiisa ka mamnuuc ayo isticmaalka TikTok

    Madaxaweyne Donald Trump ayaa ku dhaw aaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo isti cmaalka TikTok oo ah bar muuqaalada lagu ba ahiyo. Donald Trump ay aa waxa uu weriyaasha u sheegay inuu saxiixayo amar sare oo khadka looga saarayo bartan TIKTik oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

     Mareykanka ayaa ka cabsiqaba in App-kan oo ay leedahay shirkadda Shiinaha laga leeya hay ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka gaarka ah ee dadka reer Mareykan.

TikTok ayaa gaashaanka u daruurtay eedey maha ah in dowladda Shiinaha ay maamusho amaba ay la wadaagto maaculmaad la xiriira dadka Mareykanka.

    Adeegga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip