Kulan looga hadlayay qaban-qaabada xuska Qaraxii G/Banaadir oo la qabtay

0
Monday July 20, 2020 - 20:33:01 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan looga hadlayay qaban-qaabada xuska Qaraxii G/Banaadir oo la qabtay

    Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa si wada-jir ah u shir Guddoomiyey kulan loogu hadlayay qaban-qaabada xuska 24 July iyo 1da August oo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa si wada-jir ah u shir Guddoomiyey kulan loogu hadlayay qaban-qaabada xuska 24 July iyo 1da August oo ku beegan Qaraxii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Qaraxaas ka dhacay Xarunta Gobolka ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), Guddoomiyaal Degmo, Agaasimeyaal iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka.        Kulankaan oo ka dhacay xafiiska Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka tirsan Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Dowladda Hoose, iyadoona la isla qaatay in Xuska Dhacdadii 24July iyo 1da August si weyn loo xuso.

     Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas Khasaaraha geystay ee ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana qaraxaas uu ahaa sida la sheegay mid Ismiidaamin ah oo ay fuliyay Gabar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip