Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada caafimaad ee Boqorka Sacudi Carabiya

0
Monday July 20, 2020 - 20:15:31 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada caafimaad ee Boqorka Sacudi Carabiya

    Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis Bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud ayaa xaaladiisa caafimaad ay degen tahay kadib markii la dhigay isbitaal u gaar ah Boqortooyada. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in boqorka loo seexiyay isbitaalka si baaritaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis Bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud ayaa xaaladiisa caafimaad ay degen tahay kadib markii la dhigay isbitaal u gaar ah Boqortooyada. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in boqorka loo seexiyay isbitaalka si baaritaan loogu sameeyo xanuun dhinaca Kaadi heysta. Wakaaladda Wararka u faafisa dalka Sacudiga (SPA) ayaa daabacday in Boqor Salmaan oo 84-sano jir ah baaris caafimaad marayay marwaliba, laga soo bilaabo 2015-kii si joogto ah ayaa loo baarayay si loo hubiyo xaaladdiisa Caafimaadka. Warka ku saabsan xaalada caafimaad ee boqorka ayaa soo baxday kadib markii la baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa magaalada Riyaad Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi oo la qorsheynayay inuu la kulmo boqorka. Boqor salmaan waxa uu 50 sano ahaa Guddoomiyaha Gobolka Riyaad ka hor inta uusan noqon Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga 2011-kii, Xilka Boqortooyada waxa uu qabtay isaga oo jira 79-sano, kadib markii uu dhintay Walaalkii Cabdalla Bin Cabdasiis 22-01-2015-kii. Amiirka dhaxalka leh Amiir Maxamed Bin Salman ayaa howlaha maamulka boqortooyada inteeda badan wada iyadoo dhaliilo xoog leh oo soo jeediyay amiirkan kadib markii lagu diley dalka Turkiga saxafi dhaliili jirey siyaasada reer boqor Jamal Khashoggi.              


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip