Dowladda Somalia oo fariin Deg-deg ah u dirtay Hay'addaha samafalka

0
Monday July 20, 2020 - 20:09:04 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia oo fariin Deg-deg ah u dirtay Hay'addaha samafalka

    Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa ugu baaqay hey'adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan la gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay deegaannada qaar ee ka mid ah degmoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa ugu baaqay hey'adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan la gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay deegaannada qaar ee ka mid ah degmooyinka dalka. Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Gargaarka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu muuqan lahaa doorka hey'adaha gargaarka ku leeyihiin bad baadinta nolosha dadka. Wasiirka waxa uu ka hadlay saameynta gaar ahaan roobabkan ku yeesheen dagmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka wada tirsan goballada shabeellaha dhexe iyo shabeellada hoose. "Roobka xilliga xagaaga oo aad u batay, si gaar ahna ugu badan Koofurta dalka ayaa sababay in ay butaacaan ama fatahaan, qeybo badan oo ka mid ah dalka. Waxaa taasi ay sababtay in ay timaado xaalad baahi bani aadanimo iyo barakac baahsan oo ay sameeyeen dadka ku nool meelaha ay halista ka dhacday. Goballada saameynta ugu badan gaadhay Waxaa kamid ah shebeellada hoose, shabeellada dhexe. Banadir iyo Meelo ka mid ah Jubbooyinka". Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hey'adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyahabadan uga jawaabaan xaaladdan soo cusboonaatay waxaana uu tilmaamay in dadka barakacay ay qabaan baahiyo Kala duwan ee Isugu JIra dhinaca cuntada, hooyga. Dhinaca kale Wasiirka Gargaarka waxa uu ka hadlay hails cusub oo ku soo biirtay diiwaan musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dabeylaha ku cusub soomaaliya ay u muuqdaan kuwa isa soo taraya isagoo si gaar ahna bulshada kalluumeysatada ah uga codsaday in ay ka feejignaadaan dabeylaha xagaaga ee into badan xilliyada oo kale ka dhaca xeebaha dalka.
    

            



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip