Dowlad Goboleedyada oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen Madaxda Dowladda

0
Monday July 20, 2020 - 19:31:23 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Goboleedyada oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen Madaxda Dowladda

    Madaxweynayaaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland, koonfur Galbeed, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay ka hadleen kulankii ay Magaalada Dhuusamareeb kula qaateen Madaxweyne Farmaajo & Ra'iisul Wasaare Kheyre. War ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland, koonfur Galbeed, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay ka hadleen kulankii ay Magaalada Dhuusamareeb kula qaateen Madaxweyne Farmaajo & Ra'iisul Wasaare Kheyre. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu ka qeybgalay kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, iyaga oo ka wada tashanayay arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb uu Madaxweynaha kaga qaybgalay kulan horudhac ah oo ay yeesheen Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Kulankan ayaa gogol xaar u ah shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga tashanayo wakhtiga kala guurka ah kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug. Si lamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Galmudug ayaa waxaa ay shaaciyeen inay ka qeyb-galeen kulanka horudhaca u ahaa shirka u qabsoomaya Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.

     



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip