Ciidanka Dowladda oo toogasho ku dilay Wiil Dhalinyaro ah

0
Monday July 20, 2020 - 11:27:32 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda oo toogasho ku dilay Wiil Dhalinyaro ah

    Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada ka haaya dhismaha ka socda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay Barqanimadii Maanta toogasho ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa. Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada ka haaya dhismaha ka socda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay Barqanimadii Maanta toogasho ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa. Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Catoosh Xaaji Cali ayaa Ciidamada toogteen,isaga oo kamid ahaa dadka isticmaalayay wadadaas,waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta ka dambeeysay dilkaas. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in mid kamid ah askarta uu toogtay Wiilka dhalinyarada ahaa,isla markaana uu goobta ka baxsaday,waxaana goobta tegay ehellada Wiilka la dilay, iyaga oo meydka halkaasi kasoo qaaday. Wiilka Dhalinyarada ahaa ee la dilay laguna Magacaabi jiray Catoosh ayaa waxa uu ahaa wiil mu alif ah ama curiye, iyada oo dhalinyaro badan oo kamid ahaa saaxiibadiis oo goobta tegay ay sheegeen inay aad uga naxeen dilka saaxiibkood. Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa shalay dib ugu bilaawday dhismaha wadada laamiga ah oo hakad ku jiray Shantii bilood ee la soo dhaafay,kadib markii ay kusoo bateen weeraro joogta ah oo Al-Shabaab la beegsanayeen Injineerada u dhashay Turkiga ee wadadaasi dhisayay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip