Villa Somalia & Ururada Bulshada rayidka oo War-Saxaafadeed is khilaafsan soo saaray

0
Monday July 20, 2020 - 11:25:27 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Villa Somalia & Ururada Bulshada rayidka oo War-Saxaafadeed is khilaafsan soo saaray

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhuusamareeb kula kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhuusamareeb kula kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan. Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha in xal siyaasadeed laga garao arrimaha la isku khilaafsan yahay si dalka ay uga dhacdo doorasho la isku gogol yahay. Kulankaasi,kadib ayaa War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ururrada Bulshada Rayidka ah ay la wadaageen Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, hayeeshee waxaa hadalkaasi beeniyay Ururuada Bulshada rayidka. Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Tahliil Shaatax ayaa beeniyay war lagu qoray Barta Facebook ee Villa Somalia oo ahaa kulan Ururada Bulshada la yeesheen Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu tilmaamay in Madaxweynaha ay u sheegeen in doorashada ku dhacdo heshiis siyaasadeed loo baahan yihiin. "Waxaa Nasiibdaro ah in warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada in lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale "qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayuu yiri" Guddoomiye Shaatax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip