Gaadiidka Bajaajta oo la qabqabtay iyo qaybo ganacsiga ka mid ah oo xidhmay Laascaanood

0
Sunday July 19, 2020 - 20:53:48 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiidka Bajaajta oo la qabqabtay iyo qaybo ganacsiga ka mid ah oo xidhmay Laascaanood

    thumbnail Ganacsiga badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa intiisa badan albaabada loo laabay ka dib cabsi ka dhalatay rabshado salka ku haya gaadiidka dadweynaha ee Bajaajta loo yaqaan oo maanta intoodii badnayd la qabqab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

thumbnail Ganacsiga badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa intiisa badan albaabada loo laabay ka dib cabsi ka dhalatay rabshado salka ku haya gaadiidka dadweynaha ee Bajaajta loo yaqaan oo maanta intoodii badnayd la qabqabtay. Gaadiidleydan ayaa in badan lagu amrayey in ay qaataan Liisamada waajibka ku ah balse ay taas iska diideen iyagoo ku andacoonaya in aanay awood dhaqaale u lahayn maadaama ay cashuuro badan bixiyaan. Dhalinyarada gaadiidleyda ayaa subaxii meelo magaalada ka mid ah rabshado isku deyey in ay ka sameeyaan walow ay ciidamada Booliska iyo waxgarad xakameeyeen. Guud ahaan magaalada oo ay adeegyada bulshada ee gaadiidka ayaa inta badan waxa haya Bajaajta oo haatan ka bada sade kun taas oo si aad ah looga dereemay magaalada. Ma jirto cid maamulka ah oo ilaa hada ka hadashay lamana garan karo go'aanka kama danbaysta ah ee ay labada dhinaca qaadan doonaan.
whatsapp sharing button




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip