Ciidamada dowladda Libya oo u jiheystay magaalada Sirte

0
Sunday July 19, 2020 - 20:17:30 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda Libya oo u jiheystay magaalada Sirte

    Dowladda Libya ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa Sabtidii ciidamadeeda u dhaqaajisay meel u dhow magaalada Sirte, oo ah halka loo maro goobaha ugu weyn ee laga soo saaro saliidda dalka, halkaasi oo ay dooneyso inay ka qabsato ciidamada Jeneral Khali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Libya ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa Sabtidii ciidamadeeda u dhaqaajisay meel u dhow magaalada Sirte, oo ah halka loo maro goobaha ugu weyn ee laga soo saaro saliidda dalka, halkaasi oo ay dooneyso inay ka qabsato ciidamada Jeneral Khalifa Hafter. Goobjoogeyaal iyo teliyayaal militari ayaa sheegay in illaa 200 oo baabuurta dagaalka ah ay ka dhaqaaqeen magaalada Misrata ee ku teedsan xeebta badda meditareeniyaanka, ayaga oo kusii jeeda magaalada Tawergha, oo loo sii maro Sirte. Ciidamada dowladda ayaa dhowaan qabsaday inta badan dhulkii ay haysteen ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ee waqooyiga galbeed ee Libya, taasi oo soo geba-gebeysay olole socday 14 bil oo uu jeneraalka fallaagada ah ku doonayey inuu ku qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Ayada oo ay taageereyso dowladda Turkiga, ayaa dowladda Libya waxay sheegtay inay qabsan doonto Sirte iyo saldhigga ciidamada Haftar ee Jufra. Hase yeeshee Masar, oo ayada oo ay dhinac taagan yihiin Imaaraadka Carabta iyo Ruushka taageereysa Khalifa Haftar, ayaa ku hanjabtay inay ciidamo u diri doonto Libya, haddii ciidamada dowladda iyo kuwa Turkiga ay qabsadaan Sirte. Dhinaca kale, Khalifa Haftar ayaa hub iyo dagaal-yahano xoojin ah u diray Sirte, si ay u adkeeyaan difaaca magaalada.

 

       



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip