Lix bil kadib dhismo lagu bilaabay waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye

0
Sunday July 19, 2020 - 19:50:25 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix bil kadib dhismo lagu bilaabay waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye

    Muddo lix bilood ah kadib waxaa maanta dib loo bilaabay dhismaha waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo hakad ku jiray lixdii bilood ee la soo dhaafay,kadib weeraro ka dhacay. Dhismaha waddadaas oo ay iska kaashanayaan dowl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo lix bilood ah kadib waxaa maanta dib loo bilaabay dhismaha waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo hakad ku jiray lixdii bilood ee la soo dhaafay,kadib weeraro ka dhacay. Dhismaha waddadaas oo ay iska kaashanayaan dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa waxaa dhismaheeda caqabado xooggan kala kulmay Injineerro Turkiga ah oo dhisayay, ka dib markii qaarkood qaraxyo lagu weeraray lagu dilay. Sababaha ugu weyn ee loo joojiyay dhismaha waddadaas ayaa waxaa ka mid ah qarixii weeynaa ee lagu weeraray Injineerrada Turkiga u dhashay ee dhismaha waday 31-kii Bishii December ee sannadkii tegay ee 2019 oo khasaaro uu ka soo gaaray Injineerrada qaraxaasi. Qaar ka mid ah Bulshada isticmaasha waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa aad u soo dhaweeyay dhismaha lagu bilaabay waddadaas, iyaga oo sheegay inay dhibaato culus ku qabeen,isla markaana markii la dhiso ay si weyn u isticmaali doonaan. Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay soo dhex-martaa deegaanno badan oo ku yaalla duleedka Muqdisho, sida Garas-baaleey, Weeydoow, Ceelasha Biyaha, lafoole iyo deegaanno kale oo dad isugu jira Ganacsato iyo Barakacayaal ay ku nool yihiin.

          



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip