Taliska Booliska oo War kasoo saaray weerarkii ka dhacay Warta-nabada

0
Sunday July 19, 2020 - 19:13:16 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska oo War kasoo saaray weerarkii ka dhacay Warta-nabada

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa War kasoo saaray weerarkii lagu qaaday Guri mingiska lagu tumo oo ku yaalla agagaarka Iskoolka 15-May ee Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir. Qoraa kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa War kasoo saaray weerarkii lagu qaaday Guri mingiska lagu tumo oo ku yaalla agagaarka Iskoolka 15-May ee Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir. Qoraa kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Nin ku labisnaa deriska Ciidanka dowladda uu rasaas xoogan mar qura ku furay Guri ay ku sugnaayeen dad shacab ah laguna tumaayay xiligaas waxa loogu yeero mingiska. Eedeysanaha falkaas geystay ayaa waxaa Magacaabiisa lagu sheegay Cabdikariim Dheere, wuxuuna horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoona goobta ka baxsaday weerarka kadib.

"Abaare 12:30 duhurnimo, ayaa nin ku labisan labiska Ciidanka, ayaa rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15May oo ku taala agagaarka iskoolka 15May ee Degmada Wartanabada” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab, isla markaana waxaa halkaas ku dhintay hal Nin oo lagu Magacaabi jiray Saleebaan Maxamed Mahadi, halka 9 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

"Eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ayeey Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku raad-joogaan si gacanta loogu Soo dhigo, loona maxkamadeeyo” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska dowladda.

Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Seynab Xaabsey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Maamulka Degmada uu la wareegay Guriga falka uu ka dhacay, ayna wadaan baaritaano ku aadan sidii uu u dhacay weerarkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip