Khasaarooyin hor dhac ah oo ka dhashay weerarkii lagu qaa day Guriga Mingiska lagu tumayay

0
Sunday July 19, 2020 - 18:40:12 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaarooyin hor dhac ah oo ka dhashay weerarkii lagu qaa day Guriga Mingiska lagu tumayay

    Faah faahino ayaa kasoo baxaya Nin hubeysan oo weerar ku qaaday salaadii casir ka dib Guri Mingiska lagu tumo oo ku yaalla Degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir. Nin ku hubeysan qori AK47 ayaa rasaas xooggan ku furay dadweyne badan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Nin hubeysan oo weerar ku qaaday salaadii casir ka dib Guri Mingiska lagu tumo oo ku yaalla Degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir. Nin ku hubeysan qori AK47 ayaa rasaas xooggan ku furay dadweyne badan oo ku sugnaa Guriga lagu tumaayay Mingiska oo si gaar ah ugu yaalla agagaarka Masjidka Xaaji Yuusuf ee Degmada Warta-nabadda ee M/Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee gurigaasi ku sugnaa. Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa ee lagu furay Guriga, halka 9 qof oo kalena oo u badnaa Haween ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa si Deg deg ah loogu qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho. waxaa goobta soo gaaray oo gurmad u sameeyeen ciidmada saldhigga degmada warta nabadda ayaa tegay Guriga uu falku ka dhacay, waxaana sidoo kalena ay halkaa ka wadaan baaritaano kala duwan oo ay raa dinayan Ninkii weerarka geystay o sida wararka lagu helaayo ay sheegayaan in uu goobta ka baxsaday, lana sheegay in xoogaa Madaxa looga jiray. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in Guriga weerarka lagu qaaday markastu lagu tumi jiray Mingiska, isla markaana halkaas ay tegi jireen dad kala duwan, . ma aha warar ku cusub dhegaha bulshada magaalda muqdisho in rasaas lagu laayo dad shacab ah iyadoo Dhawaan ay aheyd markii Nin ku hubeysnaa Qori Ak47 uu weerar ku qaaday Guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah oo ku yaalla deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, waxaana ku dhintay 4 qof, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen. iyadoo ninkii wax gumaaday laga soo qabtay degaanka gaalkacyo haatan ciidmada gacanta ku hayaan isagoo ah sharci suge
    


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip