DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan u socda

0
Sunday July 19, 2020 - 10:32:39 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan u socda

    Waxaa xilligan kulan albaabada u xiran Madaxtooyada Galmudug uga socdaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe. Kulankan oo ah kii u horreeyay oo fool ka fool ah oo ay yeeshaan Far

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xilligan kulan albaabada u xiran Madaxtooyada Galmudug uga socdaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe. Kulankan oo ah kii u horreeyay oo fool ka fool ah oo ay yeeshaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe, tan iyo markii la isku khilaafay doorashadii Jubbaland ee Axmed dib loogu doortay iyo tallaabooyinkii ay dowladda Federaalka qaaday ee ka dhanka ahaa Axmed Madoobe.             Kulankan ayaa ka socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu degan yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu ka dambeeyay dadaalo tan iyo xalay la waday oo ahaa sidii la isugu keeni lahaa.

             Dadaalada u kala dab-qaadida iyo isu keenida Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa waday Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Waare oo mar dambe ku soo biiray dadaaladan.

           Caqabadaha ku horgudban furitaanka shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa ka mid ahaa khilaafka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana haddii la dhameeyo khilaafkaas waxaa uu noqonayaa tallaabadii koowaad ee loo qaaday sidii uu jawi wanaagsan ugu furmi lahaa shirka.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe insha allaah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip