Nin hubeysan oo dad shacab ah ku dilay Muqdisho

0
Sunday July 19, 2020 - 15:23:44 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin hubeysan oo dad shacab ah ku dilay Muqdisho

    Warar aan goordhow helnay ayaa waxa ay sheegayaan nin hubeysan uu dad shacab ah ku dilay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Ninka hubeysan ayaa waxaa la sheegay in uu rasaas ku furay guri lagu tumayay Mingiska, kaas oo ku yaalla xaafad ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar aan goordhow helnay ayaa waxa ay sheegayaan nin hubeysan uu dad shacab ah ku dilay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Ninka hubeysan ayaa waxaa la sheegay in uu rasaas ku furay guri lagu tumayay Mingiska, kaas oo ku yaalla xaafad ka mid ah degmada Warta Nabadda. Inta la xaqiijiyay Labo ruux ayaa ku geeriyootay weerarkaasi uu gaystay ninka hubeysan, halka tobaneeyo kalena uu ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa isla markiiba goobta gaaray, iyagoo halkaasi ka bilaabay baadi goob ay ku raadinayaan ninka falkani gaystay iyo in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninka falka gaystay aysan garaneynin, balse uu falka kadib uu goobta ka baxsaday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip