Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sii jeeda Dhuusamareeb iyo Wafdi hordhac u ah…

0
Sunday July 19, 2020 - 11:00:24 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sii jeeda Dhuusamareeb iyo Wafdi hordhac u ah…

    Wafdi hordhac u ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdigan ayaa isugu jira howlwadeeno ka tirsan Xafiiska Duqa Muqdisho iyo Ilaalada, wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi hordhac u ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdigan ayaa isugu jira howlwadeeno ka tirsan Xafiiska Duqa Muqdisho iyo Ilaalada, waxaana ay gogol xaar u yihiin safarka Guddoomiye Cumar Filish berri oo Isniin ah ku imaanayo Dhuusamareeb.           Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku soo biiri doona Madaxda ku sugan Dhuusamareeb, si uu qeyb uga noqdo shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo doorashooyinka iyo arrimo kale.

          Shalay ayay aheyd markii uu Dhuusamareeb soo gaaray Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo, sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna safar dhulka ah ku soo galay Dhuusamareeb, kaddib markii uu ka degay Cadaado, waxaa horay ugu sugnaa Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynayaasha Hirshabeelle, koofur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Qoorqoor, waxaa maanta la filayaa inuu soo gaaro magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip