Dad ku waxyeelobay Hoobiyeyaal degaanka Janaale & Maamulka Gobolka oo ka hadlay

0
Sunday July 19, 2020 - 12:19:31 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ku waxyeelobay Hoobiyeyaal degaanka Janaale & Maamulka Gobolka oo ka hadlay

    Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay ku dhacay Xaafado ka tirsan degaanka Janaale oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Marka, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose sheegay in Al-Shabaab ay hoobiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay ku dhacay Xaafado ka tirsan degaanka Janaale oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Marka, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose sheegay in Al-Shabaab ay hoobiyeyaal kusoo tuureen degaanka Janaale, isla markaana dad Shacab ah oo ku waxyeeloobay ay u gurmadeen. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in ilaa Saddex Ruux oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha, isla markaana Maamulka deegaanka iyo Ciidamada xooga ay u gurmadeen laguna daweynayo Isbitaalka deegaanka. "Saddex qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyaal ay Maleeshiyadda Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay si loogu dabiibo isbitaalka Deegaanka ayuu yiri" Guddoomiye najax. Majirin faah faahin intaasi ka dheer ee uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee mararka qaar ayaa madaafiic ay isweeydaarsadaan Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab waxaa ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka Shacabka ah ee ku nool degaanka Janaale iyo tuulooyinka ku dhow dhow. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip