Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka oo sheegay in la siyaasadeeyay dhisida Golaha Adeega Garsoorka

0
Sunday July 19, 2020 - 12:18:27 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka oo sheegay in la siyaasadeeyay dhisida Golaha Adeega Garsoorka

    Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dalkaan uu muhiim u yahay in loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka si ay u sameeyaan Maxkamadda Dastuuriga oo go'aan ka gaari karta wax kasta oo muran ka dhasha. Axmed Cali Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dalkaan uu muhiim u yahay in loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka si ay u sameeyaan Maxkamadda Dastuuriga oo go'aan ka gaari karta wax kasta oo muran ka dhasha. Axmed Cali Daahir oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal ayaa sheegay in dalka Soomaaliya dad badan ay ka caga jidayaan in loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka dalka,ayan mas'uul ka yihiin Madaxda Dowladda. Waxaa uu sheegay in dhamaan waxyaabaha muhiimka u ah dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, Sida Hay'adihii kamid noqon lahaa, Qareenada laga soo xuli lahaa iyo Bulshada rayidka,hayeeshee la siyaasadeeyay. Ugu dambeyn waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka oo dalka muhiim u ah si loo helo ama loo sameeyo Maxkamad Dastuuri ah. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip