Mid kamid ah Shaqaalaha Dowladda oo qarax ku dhintay & DFS oo ka hadashay

0
Sunday July 19, 2020 - 12:14:39 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamid ah Shaqaalaha Dowladda oo qarax ku dhintay & DFS oo ka hadashay

    Qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa xalay waxaa uu ka dhacay kasoo horjeedka Maqaayada Crems oo ku taalla Agagaarka Isgoyska Taleex degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxa oo la sheega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa xalay waxaa uu ka dhacay kasoo horjeedka Maqaayada Crems oo ku taalla Agagaarka Isgoyska Taleex degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxa oo la sheegay in lala eegtay Gaari uu leeyahay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ayaa waxaa ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa kana tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaalladda Xukuumadda Soomaaliya,kaas oo lagu Magacaabi jiray Ilyaas Sheekh Maxamed Cabdi Kariin halka Saddex Ruux ay ku dhaawacmeen. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga tacsiyadeeyay ehellada iyo Asxaanta uu ka geeriyooday Marxuum Ilyaas Sheekh Maxamed Cabdi Kariin oo kamid ahaa Shaqaalaha Dowladda. Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar waxyelo ay kasoo gaartaa mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda, Askar iyo dad Shacab ah oo ku sugan meelo u dhow halka uu qaraxa ka dhaco.
.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip