Faahfaahinta Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0
Saturday July 18, 2020 - 22:02:25 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahinta Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Muqdisho

    Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax goor dhow oo caawa ah ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaana ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso,oo la dhigay wadada dhinaceeda. Qaraxa miino ayaa si gaar ah wuxuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax goor dhow oo caawa ah ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaana ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso,oo la dhigay wadada dhinaceeda. Qaraxa miino ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay meel u dhow maqaayadda Crems, markii uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa goobta marayey, gaari uu watay wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga XFS Cabdinaasir Saciid Muuse. Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa uu dhaawac ka soo gaaray afar ruux oo shacab ah, kuwaas oo ka dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka si loogu dabiibo xaaladahooda. Wasiir ku-xigeenka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo watay gaari nuuca saarufta ayaa wax khasaare ah uusan ka soo gaarin qaraxa, mana jiro wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip