War DegDeg ah :-Qarax xooggan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
Saturday July 18, 2020 - 20:17:14 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War DegDeg ah :-Qarax xooggan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo badan oo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa fiidnimadii caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo maleynayo in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo badan oo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa fiidnimadii caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo maleynayo in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, gaar ahaan afaafka hore ee maqaaxida Creams.

Maqaaxidan ayaa waxay ku garab taallaa maqaaxi kaloo lagu magacaabo Last Coffee, waana maqaaxiyado kafeyga laga cabo, lagana helo cunooyinka fud fudud.

Qaraxan ayaa mar qura goobta gilgilay, xilli dad fara-badan ay ku fiidsanayeen labadaasi maqaaxi, waxaana goobtii quruxda badneyd uu u bedelay mid aad ka argagaxeyso.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Booliska ay gaareen goobtaasi, isla-markaana aaggaasi laga maqlaayo dhawaqa gaadiidka gurmadka deg-degga ee Ambulance.

Qaraxan waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Magaalada Muqdisho ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo badanayeen qaraxyada. Qaraxyadaas oo laba ka mida ay ismiidaamin ahaayeen
wixii warar ah kala socda wabkeena


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip