Haweeney Umul ah oo Imtixaanka Dowladda ku galeysa Isbitaal ku yaalla Muqdisho

0
Saturday July 18, 2020 - 18:55:37 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Umul ah oo Imtixaanka Dowladda ku galeysa Isbitaal ku yaalla Muqdisho

    Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho Maanta ka ka daahfuray Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 34,600 oo Ard

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho Maanta ka ka daahfuray Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 34,600 oo Arday ayaa u fariistay Imtixaamka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda soomaaliya, kaas oo ka furmay Gobolka Banaadir iyo Magaalooyinka maamul Goboleedyada sida, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Ardayda Maanta Imtixaanka u fariisatay ayaa waxaa kamid aheyd Shamso Maxamad Xaashi oo dhameysatay waxbarashada Fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare, waxaana Imtixaanka ay ku gashay gudaha Isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan ay ku umushay. Shamso Maxamad oo la hadashay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay Maanta gasho Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Soomaaliya, iyada oo ku jirta Isbitaalkii ay umushay. "Waxaan soo baranaayay intii sanno ee lasoo dhaafay in aan Maanta Imtixaan u galo aad ayaa ugu faraxsanahay, anniga oo weliba ku jira Isbitaalkii aan ku umulay," ayay tiri Shamso Maxamad. Macalimiintii Iskuulka ee wax soo bartay iyo Dowladda Soomaaliya ayay u magadcelisay Shamso Maxamad oo kamid aheyd 34,600 oo Arday, waxaana Maanta gudaha Isbitaalka Kalkaal loogu geeyay labadii maaddo ee la galay. Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysa imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka sannadkii 6-aad oo xiriir ah kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka, waxaana sannadkaan wasaaradda waxbarashadu ay ku soo kordhisay imtixaanka dugsiga dhexe oo ay qaaday toddobaadkii hore.
    


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip