Jilaa can ah oo maxkamadi hal sano oo xabsi ah ku ridday

0
Saturday July 18, 2020 - 18:49:07 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jilaa can ah oo maxkamadi hal sano oo xabsi ah ku ridday

    Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa hal sano oo xabsi ah ku xakuntay jilaaga caanka ah ee Mohamed Ramadan, kadib markii lagusoo eedeeyay dembi ah gef Aflagaaddo ah. Waxa lagu eedeeyay ugu horreyn in diyaarad gaar ah uu saarnaa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa hal sano oo xabsi ah ku xakuntay jilaaga caanka ah ee Mohamed Ramadan, kadib markii lagusoo eedeeyay dembi ah gef Aflagaaddo ah. Waxa lagu eedeeyay ugu horreyn in diyaarad gaar ah uu saarnaa uu duuliyahii ka codsaday inuu galo halka diyaaradda laga hago. Kadibna uu iska duubo muuqaal, kuna baahiyay baraha arrimaha bulshada. Arrintaasi ayaa dhalisay in duuliyahii diyaaradda lagala noqdo shatigii duuliyannimada. Intaas kadib duuliyahii ayaa waxa uu ku andacooday inuu Ramadan ka Aflagaadeeyay telefashinka , isagoo sheegay in duuliyaha uu lacag weydiistay isaga oo ka dalbaday inuu shaqadii laga ceyriyay uu mag dhow ka siiyo. Hase-ahaatee maxkamadda ayaa waxay sheegtay in Mohamed Ramadan loo xeray dembi ah Aflagaadeyn, balse aysan aheyn inuu galay halka diyaaradda laga hago.
messenger sharing button



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip