Kenya oo koox baarayaal ah usoo dirtay Soomaaliya kadib shilkii diyaaradeed ee Baladweyne

0
Saturday July 18, 2020 - 18:36:32 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo koox baarayaal ah usoo dirtay Soomaaliya kadib shilkii diyaaradeed ee Baladweyne

    Baarayaal ka socda dowladda Kenya ayaa tagay Soomaaliya si ay u baaraan sababta ka dambeysay shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Agaasimaha ahna madaxa baaraha Shilalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarayaal ka socda dowladda Kenya ayaa tagay Soomaaliya si ay u baaraan sababta ka dambeysay shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Agaasimaha ahna madaxa baaraha Shilalka Diyaaraddaha ee dalka Kenya, Martyn Lunani, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka heleen codsi ku aadan in laga caawiyo baaritaanka shilka diyaaradeed. Mr Martyn Lunani wuxuu sheegay in kooxdiisu ay booqan doonaan goobta shilku ka dhacay, si ay macluumaad dheeraad ah uga helaan burburka diyaarada.
                Diyaaradda shilka gashay oo ka diiwaan gashan Kenya oo ay maamusho shirkadda Blue Bird Aviation', waxay qandaraas la gashay UN-ka si ay u gaarsiiso cuntada iyo sahayda kale ee bini'aadanimo magaalada Beledwyene ee Bartamaha Soomaaliya.

              Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradda oo ah Fokker ay la soo degtay alaabo kala timid Magaalada Jabuuti. Laakiin markii ay usoo dhowaatay marinka garoonka diyaaradaha ee Baladweyne ay la kulantay dhibaatooyin farsamo.


            Kooxda baarayaasha ah ee Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan shilalka ay hawada Soomaaliya ku galayaan diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee ka diiwaan gashan Kenya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip