Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo Magacaabay Guddi doorasho

0
Saturday July 18, 2020 - 11:20:41 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo Magacaabay Guddi doorasho

    Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan &

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa Magacaabay Guddi doorasho oo ka shaqeyn doona doorashada Xafiiskaasi oo shantii sana mar la qabto. Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Xil. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip