Iran oo lagu eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab

0
Saturday July 18, 2020 - 11:17:22 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iran oo lagu eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab

    Dowladda Iraan ayaa lagu eedeeyay in ay la leedahay xiriir hoose oo qarsoodi ah Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama Gudaha Soomaaliya sidda uu ku waramay Wargeyska lagu Magacaabo Foreign Policy. Ujeedada ugu weyn ee Iran ay tilaabadda u qaaday ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Iraan ayaa lagu eedeeyay in ay la leedahay xiriir hoose oo qarsoodi ah Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama Gudaha Soomaaliya sidda uu ku waramay Wargeyska lagu Magacaabo Foreign Policy. Ujeedada ugu weyn ee Iran ay tilaabadda u qaaday ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii hoos loogu dhigi lahaa danaha Mareykanka ee Soomaaliya gaar ahaan howlaha ka socda Saldhiga Mareykanka ee Balidoogle. Foreign Policy ayaa xustay iyada oo raaceysa dowladda Iran naqshaddii Ruushka ee Afghanistan, waxay Al-Shabaab u adeegsaneysaa inay ku weerarto militariga Mareykanka iyo ciidamada kale ee Reer Galbeedka ah ee jooga Soomaaliya iyo gobolka, sida saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa sirdoon ay u sheegeen wargeyska. "Iiraan waxay ku leedahay shabakad wakiil ka ah Soomaaliya waxayna u isticmaashaa fududeeyeyaasha inay taageero siiso ururada xagjirka ah ee rabshadaha wata si ay uga hortagaan saameynta Mareykanka iyo dowladaha khaliijka ee Beershiya" ayaa lagu yiri Warbixinta Wargeyska. "Sarkaal sare oo ka tirsan militariga ee ku lugta leh howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Al-shabaab inay Iran ka heshay dhaqaale iyo taageero maadi ah ayna suuragal tahay inay lacago ku siisay xagjiriinta si ay u weeraraan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya iyo gobolka" ayuu Wargeyska Warbixintiisa kusii daray. Ruushka ayaa dhowaan la ogaaday inay sanado u adeegsanayeen kooxda Taliban weeraro ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo xulufada NATO ee Afghanistan. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Iran oo looga hadlay eedeynta Wargeyska ee ah in ay taageero siiso Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip