SAWIRO:-Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

0
Friday July 17, 2020 - 20:09:41 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

    Saacadihii la soo dhaafay ayaa Wabiga Shabeelle waxaa uu fataahad ka geystayXaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaano hoostaga,waxaana uu sababay khasaaro kala duwan. Wabiga ayaa waxaa uu ku fatahay x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Wabiga Shabeelle waxaa uu fataahad ka geystayXaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaano hoostaga,waxaana uu sababay khasaaro kala duwan. Wabiga ayaa waxaa uu ku fatahay xaafado ka tirsan degmada Afgooye iyo tuulooyin ku dhow dhow,waxaana sawiro laga soo qaaday degmada Afgooye la arkayay Xaafado kamid ah degmadaasi oo ay biyo dhex yaallaan,sida Xaafada Eytaro oo ku dhow Buundada degmada Afgooye, Xaafada Siigaale iyo Xaafado kale. Tuulooyinka uu Wabiga ku fatahay ayaa waxaa kamid ah,Jambaluul, Basro, Baqdaad, Sagaaladaad gaalwuri iyo Sabiid iyo Caanoole,waxaana sidoo kale xirmay oo meel loo maro la la'yahay Masaajidka weyn ee Isbaheysiga ee degmada Afgooye iyo Isbitaalka degmadaas. Fatahaada Wabiga uu ka sameeyay degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa uu sababay inay baaba'aan dalagyo dhowr ah oo ku tacbanaa beeraha sidoo kale inay barakacaan qaar kamid ah dadka ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Afgooye ee uu saameeyay fataahada wabiga ay gurmad eg deg ah gaarsiin doonaan,sidoo kale ay qaadi doonaan tallaabo looga hortagayo fatahaado horleh.

           




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip