Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

0
Friday July 17, 2020 - 17:46:05 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

    Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo ay shalay gelinkii dambe gaareen magaaladaas. Wafdigan ayaa isugu jira Howladeeno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo ay shalay gelinkii dambe gaareen magaaladaas. Wafdigan ayaa isugu jira Howladeeno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada, sida Koox qaabilsan Hab maamuuska, La Taliyeyaal iyo Ilaalada gaarka ah Madaxweynaha ee loo yaqaano Koofiyo Casta. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalinta berri oo Sabti ah ay soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb.       Sidoo kale waxaa la filayaa in isla berri dib ugu soo laabtaan Dhuusamareeb Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Garowe u aaday ka qeyb galkii aaskii Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.

            Isla shalay waxaa magaalada Dhuusamareeb ku soo laabtay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo ka qeyb galay aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir.

         Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor oo maalin ka hor Garowe uga qeyb galay aaskii Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isna maanta oo jimco ah dib ugu soo laabanaya Dhuusamareeb.

Guud ahaan jawiga magaalada ayaa ah mid la ciir ciiraya wafuudii ugu badneyd ee ka socda Maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip