Warbixin: Caqabadaha Xalka u baahan ka hor furitaanka Shirka Dhuusamreeb

0
Friday July 17, 2020 - 16:48:08 in Wararka by
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Caqabadaha Xalka u baahan ka hor furitaanka Shirka Dhuusamreeb

    Waxaa la filayaa in maalinta berri ah ay magaalada Dhuusamareeb ku soo xaadiraan mas'uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka qeyb galaya wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ee looga arrinsanayo xal u helista doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la filayaa in maalinta berri ah ay magaalada Dhuusamareeb ku soo xaadiraan mas'uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka qeyb galaya wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ee looga arrinsanayo xal u helista doorashada. Jowhar.com waxay isku dayeysaa inay jawaabo u hesho su'aalo badan oo ku xeeran suurtagalnimada inuu shirkan furmo oo si rasmi ah la isku soo wada hor fariisto, natiijada ka so baxda waxay doontaba ha noqotee. Ilaa hadda waxa kaliya ee la hubo ayaa ah in Dhuusamreeb la isugu imaan doono billowga todobaadkan, balse waxaa jiro arrimo u baahan in xal laga gaaro ka hor inta uusan furmin shirka labada dhinac ay ka wada qeyb galaan:

           


Khilaafka Siyaasadeed:

              Ka sokow hadallada xanafta leh ee warbaahinta la isku dhaafsanayay, waxaa jira khilaaf gaamuray oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo ku saabsan sharci ahaanshaha Madaxweynenimada Axmed Madoobe, inkastoo uu Farmaajo oggolaaday in Axmed sii ahaado madaxweyne kumeel gaar ah muddo laba sano ah, haddana dhanka kale kuma qancin oo waxa ay u baahan tahay in xal laga gaaro ka hor inta uusan shirku furmin.

            Arrimaha ciidamada Gedo dowladda Federaalka ah geysay iyo dagaalladii ka dhacay ayaa iyana ah kuwa la filayo inuu Axmed Madoobe miiska soo saaro oo uu raalli gelin rasmi ah ka dalbado Madaxweyne Farmaajo taasoo xaalka sii adkeyn karta.

              Sidoo kale waxaa jiro khilaaf midkaa la mid ah oo Madaxweyne Farmaajo kala dhaxeeya Madaxweynaha Punland oo isna ku qotomo isku day in Deni xilka laga tuuro oo lagu eedeeyay inuu Madaxweynuhu ku lug lahaa, arrimaha shahaaddada dugsiga sare, arrimahan ayey falanqeeyayaashu aaminsan yihiin inay adag tahay in xal laga gaaro muddo kooban gudaheed.

Ka qeyb galayaasha:

            Jowhar.com ayaa ogaatay in wafdiga Madaxweyne Farmaajo uu qeyb ka yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo ka soo jeedo Somaliland, taas uu madaxweynuhu ku doodi doono inuu matalayo gobollada Waqooyi, Waana hubaal in arrinkaasi uu khilaaf dhalin doono oo madaxda dowlad goboleedyada ay su’aal ka keeni doonaan matalaadda Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

           Shirka ilaa hadda inta la shaaciyay waxaa ka qeyb galaya madaxda dowlad goboleedyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, sida ku caddaa war murtiyeedkii Madaxda dowlad goboleedyada, balse haddii doorashada looga hadlayo way adag tahay in go’aamo la gaaro iyada ay meesha ka maqan yihiin Guddoonka labada aqal.

                 Waxaa xusid mudan in Guddoomiyaha Aqalka sare uu ku sugan yahay Garowe, suurtagalna tahay inuu Dhuusamareeb soo gaaro, sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka uu isna ku sugan yahay Dhuusamareeb, balse ilaa hadda ma jirto wax muujinaya inay qeyb ka yihiin shirka.

            Su’aasha ah yaa ka qeyb galaya shirka? waxay u baahan tahay in laga hadlo ka hor inta aan furitaanka shirka laga hadlin, waana caqabad weyn oo ku horgudban shirka Dhuusamareeb.

Imaanshaha Xaliima Yarey

             Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yarey oo shalay soo gaartay Dhuusamareeb ayaa imaanshaheeda su’aal ka taagan tahay inay shirka qeyb ka tahay iyo in kale, sida la xaqiijiyay aan lagu casuumin shirka, waxaana wararka qaar sheegayaan in imaanshaheeda Dhuusamareeb Villa Somalia wax ka ogtahay.

              War murtiyeedkii Dowlad Goboleedyada ka soo saareen shirkoodii wadatashiga ayay ku caddeeyeen in doorasho qof iyo cod aanay dalka ka dhici karin, sidoo kale waxaa horay u jiray in Maamul Goboleedyada aysan wax wadashaqeyn la laheyn Guddiga doorashooyinka, iyagoo horay u qaadacay sharcigii doorashooyinka ee uu ansixiyay Labada Aqal, Madaxweynuhuna saxiixay.

Gobolka Banaadir

              Arrinta Gobolka Banaadir waxay ka mid aheyd arrimaha muranka ka taagnaa ee doorashooyinka, gaar ahaan Matalaadda Aqalka Sare iyo xeerkii uu ansixiyay Golaha Shacabka ee 13 xubnood in Aqalka Sare laga siiyo, taasoo ay si adag uga soo horjeesteen Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ku dooday in ansixintaas aanay sharciga waafaqsaneyn.

                 Ma cadda safarka Madaxweyne Farmaajo berri ku imaanayo Dhuusamareeb inuu qeyb ka yahay iyo in kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, maadaama Gobolka Banaadir uu horay qeyb ka ahaa Shirarkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ka dhacay Garowe, Baydhabo iyo Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo…. Marti Mise Martigeliye ?

                  Xogo lagu kalsoon yahay oo jowhar.com heshay ayaa xaqiijinaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay la xiriirtay masuuliyiinta sar sare ee dowlad goboleedka Galmdug iyada oo si rasmi ah u weydiisatay in Villa Somalia lagu wareejiyo hoggaaminta shirka, si uu madaxweyne Farmaajo u matalo kaalinta martigeliyaha shirka, balse arrinkaas waa ay ka biya diidday Galmudug.

                    Villa Somalia ayaa ku doodday in Madaxweynuhu uusan marti ku noqon karin meel waddanka gudihiisa ah, isla markaana uusan marti u noqon doonin maamul isaga hoos yimaado, dhanka kale Galmudug ayaa ku adkeysatay in martigelintooda ay tahay waxa lagu wada kalsoon yahay, sidaas darteedna ay qasab tahay inaan waxba laga beddelin Martigeliyaha shirka.

                 Madaxweyne Farmaajo waxa uu degi doonaa oo loo diyaariyay xarunta Madaxtooyada Galmudug, waana isla goobta uu shirka ka dhacayo, ammaan ahaanna waa Madaxweynuhu waxaa uu la imaan doonaa in ka badan 200 oo askari oo koofiya cas ah, waana arrimo u baahan in dhamaman dib loo eego marka la qayaxayo cidda martida ah iyo cidda martigeliyaha ah, taas oo macna weyn ugu fadhida madaxda dowlad goboleedyada oo dhowr jeer oo hore gaashaanka u daruuray shir uu Madaxweynuhu ugu yeeray Muqdisho.

Doorka Ra’iisul Wasaaraha

                 Ra’iisul Wasaare Kheyre oo labo jeer oo hore shirkii Golaha Wasiirada ka sheegay in dalka ay dhaceyso waqtigii loogu tala galay, ayna jiri doonin wax muddo kororsi ah, isla markaana muddo kororsiga yahay mid sababa qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, inkastoo uu ku baaqay doorasho la isla ogolyahay oo ay ka wadatashadaan dowlad federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda, balse mowqifkiisa ku aadan sharciga doorashooyinka uu riixayo Madaxweynaha iyo doorasho dadban oo ay riixayaan dowlad goboleedyada ayaa kala caddeyn midka uu qaadan doono.

               Shirka Dhuusamareeb waxaa lagu kala ogaan doonaa aragtida Ra’iisul Wasaaraha ee qaabka doorashada u dhici doonto, maadaama labadii jeer ee uu hadlay aanu soo hadal qaadin sharciga doorashooyinka ee qof iyo codka, isla markaana isaga iyo Madaxweynaha ay ku kala duwanaayeen qaabka ay uga hadleen doorashada, maadaama Madaxweynuhu caddeeyay doorasho dastuurka waafaqsan iyo sharciga doorashooyinka, halka Ra’iisul Wasaaruhu caddeeyay doorasho la isla ogol yahay oo ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan.

            Dhammaan caqabadahan oo labada dhinacba ay xalka ku kala aragti duwan yihiin ayey waxay culeeys iyo cadaadis fara badan saarayaan Madaxweynaha Galmudug oo u muuqda inuu yahay cidda u kala dab qaadi doonto Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, sidoo kale beesha caalamka oo kaalin weyn qaadata marka ay arrimuhu sidaan oo kale u murugsan yihiin ayaa la filayaa inay qeyb ka noqon doonaan xalka ku saabsan caqabadaha taagan, balse ma jirto cid odorosi karta waxa dhici kara todobaadkan kulul ee nagu soo fool leh.

XIGASHO:-JOWHAR.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip