Baarlamaanka Liibiya oo ogolaaday faragalinta Ciidanka Masar

0
Wednesday July 15, 2020 - 00:21:25 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Liibiya oo ogolaaday faragalinta Ciidanka Masar

    Baarlamanka Libya ee fadhigiisu yahay bariga dalkaas ayaa meel mariyey mooshin lagu ansixinayo in ciidamada Masar ay soo faro-geliyaan dalkaas haddii loo baahdo, si ay u ilaaliyaan "amniga qaran" ee labada dal, xilli ay jirto wax ay ugu yee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamanka Libya ee fadhigiisu yahay bariga dalkaas ayaa meel mariyey mooshin lagu ansixinayo in ciidamada Masar ay soo faro-geliyaan dalkaas haddii loo baahdo, si ay u ilaaliyaan "amniga qaran" ee labada dal, xilli ay jirto wax ay ugu yeereen "qabsashada" Turkey. Baarlamanka ayaa taageera Jeneral Khalifa Haftar, oo muddo sanad ka badan waday dagaal uu markii dambe ku fashilmay oo uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, halkaasi oo fadhi u ah dowladda caalamku aqoonsan yahay. Haftar ayaa waxaa taageera Masar iyo Imaaraadka Carabta, halka dowladda caalamku aqoonsan yahay ay taageeraan Turkey iyo Qatar. Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa bishii tagtay ka digay in Masar ay ciidamo u diri karto Libya, kadib markii dowladda ay dib uga riixday ciidamada Haftar aagga caasimadda Tripoli, kadib bilo is-mariwaa ah. Xiriirka Masar iyo Turkey, oo kala taageera Haftar iyo dowladda caalamku aqoonsan yahay, ayaa aad u xumaa tan iyo 2013-kii, markaasi oo ciidamo uu hoggaaminayey Sisi ay xukunka ka tureen madaxweyne Mohamed Morsi, oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiinka aadna ugu dhowaa Turkey. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip