Guuleed oo ku baaqay in la badbaadiyo Mustaqbalka Ardeyda Puntland

0
Wednesday July 15, 2020 - 00:19:05 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuleed oo ku baaqay in la badbaadiyo Mustaqbalka Ardeyda Puntland

    Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana hadda ka mid ah hogaamiyeyaasha Xisbiyadda dalka ayaa ugu baaqay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barrre in uu ka laabto go'aanka uu ardeyda Puntland uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana hadda ka mid ah hogaamiyeyaasha Xisbiyadda dalka ayaa ugu baaqay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barrre in uu ka laabto go'aanka uu ardeyda Puntland uga joojiyay Shihaadada Waxaa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka ah iyo Puntland iney badbaadiyaan rajada iyo aayaha ardadaas oo ay hab tanaasul ah ku xaliyaan doodda sannadkaan, wixii sanadkaan ka dambeeyana waa in arrintaan jiho maangal ah oo isla ogol ah loo dhigo. Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah masuuliyad ballaaran ay ka saaran tahay dhismaha mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed, mana ahan wax maangal ah in dhaanto siyaasadeed lagu dul qabsado aayaha ubaxa dalka. "Waxaa na damqineysa in mar walba xiligaan oo kale laga dooddo arrimaha ardeyda Puntland iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waxey aheyd in qof walba uu masuuliyadiisa qaato, oo arrintaan xal laga gaaro xili hore inta aanu imtixaanku imaanin, maadaama lasii ogaa' ayuu yiri Guuleed. Waxaa uu intaasi kusii daray "Dhibaato walba oo soo gaarta mustaqbalka caruurtaas, sida iney waxbarashada ka niyad jabaan, iney naceyb u qaadaan Dowladnimada iyo ku dhaqanka go'aanno khalafsan oo xaga caafimaadka ah waxaa masuuliyaddeeda qaadan doonta cid walba oo si toos ah iyo si dadban u hor istaagta xaqiijinta halgankooddii koowaad ee nolasha" .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip