Hirshabeelle oo faahfaahisay diyaarad ku dhacday Beledweyne

0
Wednesday July 15, 2020 - 00:15:28 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabeelle oo faahfaahisay diyaarad ku dhacday Beledweyne

    Maamulka Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka Hiiraan ku dhuftay oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka Hiiraan ku dhuftay oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday Garoonka, islamarkaana la waayay dabdamis, maadaama uusan la aheyn Garoonka Ugaas Khaliif. Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin khasaare nafadeed oo ka dhashay diyaaraddaan, laakiin ay ku gubteen wixii saarnaa. "Waa ayaan-darro in garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska , waxaana mas'uuliyaddaas qaadanaya dowladda dhexe iyo ciidamada AMISOM"ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda oo dooneysay inay cago dhigato garoonka balse dhacday dabadeedna uu dab ka kacay. Diyaarada oo ka tagtay dalka Jabuuti ayaa shaqaalihii saarnaa oo saddex ahaa laga badbaadiyay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip